AF-SOOMAALI

Yari­isoow ‘’ Waxaa jira Xild­hibaanno doon­aya sii deynta dad­kii ka dan­beeyay dilkii marx­uum Axmed Dowlo


Gud­doomiyaha maa­mulka gob­olka Ba­naadir Cab­di­rax­maan Cumar Cis­maan Yasi­iroow oo markii ugu horeysay ka had­lay dha­cadadii lagu di­lay kaddib-na dabka lagu qab­si­iyay marx­uum Axmed Mukhtaar {Axmed Dowlo] ayaa shee­gay in ay ji­raan xild­hibaanno iyo mas’u­uliyiin u ola­ley­naya sii deynta kooxdii geysa­tay falka dilka ah.

Gud­doomiyaha gob­olka Ba­naadir ayaa ku han­jabay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaal­lada loo marin doono shaqsiyaad­kii geystay falkan dilka ah oo no­qon­aya kii ugu horeeyay ee nooci­isa ah ee ka dhaca ma­g­a­al­ada iyadoo sababta loo di­lay marx­u­umka tahay’ Heeb Sooc ‘’ ka dhashay Laa­mane is cal­damay kuna hes­hi­iyay in ay no­lal wadaa­gaan.

Warar waxaa jira soo bax­aya oo shee­gaya in ay ji­raan xild­hibanno iyo mas’u­uliyiin ka tir­san dowladda oo ku howlan in la sii daayo dad­kii ka dan­beeyay falka dilka ah oo hadda ku jira gacanta laamaha am­niga.

Dhi­naca kale mid ka mid ah ehe­lada marx­u­umka dhin­tay oo la had­lay war­baahinta ayaa shee­gay in uu aad uga xu­maa­day markii uu maqlay madaxwey­naha Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo oo ka tac­siy­eey­naya geerida dad­kii ku dhin­tay doon­tii ku deg­tay dalka Tan­za­nia is­aga oo marn­aba dhanka kale aan soo hadal qaadin dilka marx­uum Axmed Dowlo oo ah kii ugu horeeyay nooci­isa ee qof loo dilo.

Waxaa ay ehe­lada ka dal­badeen dowladda Soomaaliya in ay helaan Cadaalad shar­ci­gana ka soo hor­muuq­daan dad­kii ka dan­beeyay falka dilka ah.

Marx­u­umka ayaa waxaa weerar ku qaa­day xili uu ku sug­naa goobti­isa shaqada koox isugu jir­tay rag du­mar la shee­gay in ay gubeen mey­d­ki­isa.