AF-SOOMAALI

Galmudug oo gaadiid dagaal ku wareejisay Ilaalada Axmed Madoobe


Galmudug waxaa gaaray qaar kamid ah ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in isna goordhaw gaaro magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada ilaalada u ah Madaxweynaha Jubbaland oo ku hubeesnaa hubka fudud ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb waxaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal ay isticmaalayaan inta ay joogaan Dhuusomareeb.

Gaadiidka dagaalka ee lagu wareejiyay ciidamada ilaalada u ah Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxa ahorey u isticmaali jiray ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa ku sugan ciidamo badan oo ilaalo u noqonaya madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaa oo ku kalsoonaan waayay ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug.

W/Q Hassan Abdulle Noolow