GLOBAL NEWS

Xuku­umadda Mareykanka oo Hog­gaanka Al-shabaab ku dar­tay li­iska xub­naha Ar­ga­gax­isada ah


Ta­laado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa manta shaacisay inay ku dar­tay li­iska koox­aha ar­ga­gax­isada ah laba hog­gaamiye oo Al-shabaab ka tir­san, kuwaa­soo kala ah hog­gaamiyaha kooxda, Axmed Di­iriye iyo Ma­had Karate, kaddib weer­arkii ay Al-shabaab shee­gatay ee ka dha­cay Ga­roowe oo lala beegsa­day gaari si­day shaqaale ka tir­san kuwa hay’adda UNICEF ee Qara­mada Mi­doobay.

Axmed Diiriye oo looga dhex-yaqaan Al-shabaab, Sh. Axmed Cumar (Abuu-Cubeyda) ayaa xilka hoggaanka Al-shabaab loo magacaabay bishii September ee sannadkii hore 2014-ka, kaddib markii duqeyn lagu dilay hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaannay Sh. C/raxmaan Abuu-zubeyr.“Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab wuxuu qaatay aragtidii Axmed Godane ee ahayd inay weerarro Argagaxiso ka fuliyaan gudaha Somalia, iyagoo aad ugu xiran ururweynaha Al-Qaacida,” ayaa lagu yiri warbixin laga soo saaray waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

War­bix­inta ayaa sidoo kale lagu yiri. “Ma­had Karate oo loo yaqaan C/​rax­maan Max­amed Warsame, waa hog­gaamiyaha am­niyaadka Al-shabaab oo mas’u­ulka ka ahaa weer­arkii lagu qaa­day Jaa­macadda Gaarisa ee dalka Kenya.”

Sidoo kale, Ma­had Karate ayaa la shee­gay inuu ya­hay hog­gaanka dhanka sir­doonka ee Al-shabaab. Iyadoo saraakiil Mareykanka ah ay shee­gay in sababta li­iskaan loogu daray ay tahay weer­arro badan oo ay kooxdu geystay, kuwaa­soo uu ku jiro weer­arkii ay ku qaadeen su­uqa ganac­siga West­gate Mall ee Nairobi san­nad­kii 2013-kii iyo kii Jaa­macadda Gaarisa ee dha­cay hor­raan­tii bis­han oo lagu di­lay 148-qof.

Dhanka kale, weer­arkii ay Al-shabaab ay shee­gatay ee Ga­roowe ka dha­cay ayaa lagu di­lay to­ban ka mid ah shaqaalaha Qara­mada Mi­doobay gaar ahaan kuwa hay’adda dary­eelka car­ru­urta ee UNICEF, kuwaa­soo So­mali iyo Ajn­abi isugu ji­ray.

Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa la aasaasay markii ugu hor­reysay san­nad­kii 2006-dii kaddib markii ci­idamada Itoobiya ay faragelin ku sameey­een So­ma­lia, si ay dowlad­dii xil­li­gaa jir­tay uga di­faa­can xoogagii Maxka­mada Is­laamka oo xuku­mayay Muqdisho.

Al-shabaab ayaa waxay muddo sanado ah isku dayaysay inay xukunka ka tu­urto dowladda uu caalamku taageero, inkas­too dhul badan looga qab­sa­day da­gaallo ay la galeen ci­idamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMI­SOM ee ka howl­gala Soomaaliya; dhanka kalena uu Mareykanku la beegsanayay xub­naha ugu sar­reeya kooxda duqeymo cirka ah, kuwaa­soo ay ku dileen saraakiil ka tir­san hog­gaanka sare ee Al-shabaab.

Ugu dambeyn, xuku­umadda Wash­ing­ton ayaa sanad­kii 2008-dii si rasmi ah ugu aqoon­sa­tay Al-shabaab inay ka mid tahay Urur­rada Ar­ga­gax­isada ah ee Caalamka ka jira, iyadoo lacag malaayiin dool­lar ah ho­ray u dul-dhig­tay xubno ka tir­san hog­gaanka sare ee koox­dan.

Si kastaba ha ahaa­tee, li­iska uu Mareykanku maanta ku daray Hog­gaamiyaha Al-shabaab, Axmed Abuu-Cubeyda iyo Ma­had Karate ayaa ku­soo beeg­mayaa xilli ay tod­dobaad ka hor dowladda So­ma­lia dul-dhig­tay iyaga iyo saraakiil kale oo Al-shabaab ka tir­san lacago si ay xog­tooda u hesho.

Max­amed X. Xuseen, Hi­iraan On­lin
 m