AF-SOOMAALI

Xild­hibaano laga hor is­taa­gay in ay ka bax­aan Ga­roonka Muqdisho


Sen­a­tor Iftiin Xasan iimaan (Baasto) iyo Sen­a­tor C/​llahi Sheekh Is­maaciil (Far­taag) ayaa shir jaraa’id oo ay qab­teen uga had­lay qaabkii uu u dha­cay is hor is­taag lagu sameeyey maanta xilli ay ku sii jeedeen ma­g­a­al­ada Kismaayo.

Ma­su­uliyi­in­tan waxay la socdeen wafti si­day mey­dka Al­lah ha u naxari­is­tee Wasi­irkii Waxbarashada Jub­ba­land oo laga keenay dalka dibad­di­isa

Xild­hibaanada waxa ay sheegeen in diyaaradda looga reebay Amar ka­soo baxay taliska nabad sug­ida Soomaaliya iyo sidoo kale Wasi­irka du­ulista Hawadda Xuku­umadda Soomaaliya.

“Ga­roonka markii aan tag­nay oo aan raac­nay diyaaradda, waxaa dhac­day in sarkaal nabad-sug­ida ka tir­san uu amro in la damiyo diyaaradda kana soo bax­aan dad­kii saar­naa,” ayuu Far­taag u shee­gay war­baahinta.

Xild­hibaanada ayaa shee­gay in diyaaradda loo shee­gay in aysan bixi karin hadii ay waddo Sene­tor Far­taag, Iftin iyo Afhay­eenkii hore ee maa­mulka Jub­ba­land Sayid Carab.