AF-SOOMAALI

Xild­hibaanada Baar­la­maanka oo markii u horeysay mooshin ka keenay Dar­biga ay Kenya ka dhiseyso Xudu­uda


Iyadoo dhowaan Xuku­umadda Soomaaliya walaac xoogan ka muu­jisay dar­biga ay Kenya ka dhiseyso Xudu­uda ay Soomaaliya la wadaago ayaa markii u horeysay Xild­hibaanada Baar­la­maanka waxay ka kee­neen mooshin ka dhan ah dar­bigaas, kaa­soo lagu wado in looga doodo ku­lanka soo socda ee Baar­la­maanka.

Dowladda Fed­er­aalka Soomaaliya ayaa haatan ku baraarug­tay qor­shaha ka dambeeya dar­biga iyo sida Kenya ay dar­biga ay ka dhiseyso xudu­uda ay ugu soo du­rug­tay dhanka Soomaaliya, taa­soo ah mid xadgudub ku ah shar­ciyada xudu­u­daha.

Gud­diga Joog­tada ah ee Baar­la­maanka Fed­er­aalka Soomaaliya, ayaa maanta ku­lan ay ku yeesheen Muqdisho kaga had­lay ar­rimo la xiri­ira dar-dar gelinta howlaha baar­la­maanka, Ajan­dayaasha tod­dobaadka soo socda, wax­aana ku­lanka laga shee­gay in labo mooshin uu hor-yaalo

Gud­doomiye Ma­had Cab­dalla Cawad ayaa shee­gay in Baar­la­maanka uu hor-yaalo mooshino la xiri­ira dar­biga ay dowladda Kenya ka dhiseyo xadka ay la wadaagto Soomaaliya iyo da­gaalka maalma­han ka dha­cayay xadka Gob­olka Gal­gaduud uu la wadaago Itoobiya.

“Xild­hibaanada waxay kee­neen mooshin ku saab­san dar­biga ay Kenya ka dhiseyo xudu­uda, wax­ayna doon­ayaan inay Xuku­umadda kala xisaab­tanto ar­rima­haas, dhowaan Xild­hibaanada ayaa loo qey­bin doonaa”ayuu yiri Ma­had Cawad.

Sawir uu qaaday Satelite oo muujinaya darbiga Kenya ka dhiseyo Xuduuda

Inkas­too Baar­la­maanka uu wali hor-yaalo mooshin ka dhan ah dhis­maha Baar­la­maanka ayaa waxaa uu mooshinkaas markii sad­dex­aad u baaq­day in cod loo qaado, kadib markii uu bu­uxsami waayay kooramkii loogu tala galay

Sawiro uu qaa­day Satelite ee ah Dar­biga Kenya ay ka dhiseyso Xadka ayaa muu­ji­naya sida Kenya ay ugu soo du­rug­tay dhi­naca Soomaaliya, kana soo tal­laab­tay qad­kii labada dhinac ka caa­ganaay­een ee shar­ciga xudu­u­daha uu dhi­gayay, wax­aana tani dad badan ku tilmaameen mid dhul boob ah oo qatar ku ah jir­i­taanka qaran­i­mada Soomaaliya.

Wasaaradda Am­niga ayaa sheeg­tay in dar­biga ay Kenya ka dhiseyso xudu­uda uu dhibaato abu­uri karo, isla markaana uu ka dha­lan karo kac­doon, wax­aana ay tilmaam­tay in aanu dar­bigaas waxba ku soo ko­rdhi karin sug­ida am­niga gu­daha ee Kenya.