AF-SOOMAALI

XASAN SHI­IKH: Waxaa Socda Qor­shayaal Xukunka Dowladda lagu Gaar­si­inayo Dalka oo Dhan


Madaxwey­naha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max­a­m­uud oo maanta dib ugu soo laab­tay dalka ayaa shee­gay inuu socdo qor­she dowladda iyo maa­mul-gob­oleedyada dalka ka jira ay is­aga kaashanayaan da­gaalka lag­ula jiro Al-shabaab, is­a­goo xusay inuu rajo ka qabo in dhawaan dalka oo dhan lagu baahiyo xukunka dowladda.

Xasan Sheekh ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kaga hadlay safarkii uu kusoo kala bixiyay dalalka Turkiga iyo Jordan oo uu kaga qaybgalay shirar caalami ah.

“Dalka Ur­dun waxaa kaga qayb-galay shir looga had­layay am­niga iyo la-da­gaalanka xag-jiri­inta. Shirkaas waxaa ka­soo qayb-galay madax ka soc­day dalalka Geeska Afrika. Dalka Turki­gana isna wax­aan kaga qayb-galay xuska loo sameeyay gu­uli­hii uu Turkigu ka gaaray da­gaalkii koowaad ee Ad­du­unka,” ayuu madaxweyne Xasan ku yiri shirki­isa jaraa’id.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shee­gay in ho­ru­mar weyn uu ka socdo dalka oo dhan, isla markaana ay wanaagsan tahay ra­jada ay um­maddu ku qabto ho­ru­marka socda, balse waxaa xusid mu­dan in qadiyadda da­gaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu meel wanaagsan marayo xil­li­gan.

Madaxwey­naha ayaa in­taas ku daray in maa­mul­lada gob­ol­lada ay dhis­meen in­tooda badan, kuwa kalena ay wad­dadaas oo kale ku soc­daan, is­a­goo in­taa raaciyay inuu meel wanaagsan marayo in xukunka dowladda dalka oo dhan lagu baahiyo.

“Ar­rimaha Am­maanka markaan ka hadlo waxaa so­cota howl xowli badan oo dowladda Soomaaliya iyo maa­mul­lada gob­ol­ladu ay ku doon­ayaan in ta­l­ada dalka oo dhan ay gacanta dowladda soo gasho; am­maanka lag­ula soo celin la­haa. Da­gaalka aan kula jirino koox­aha nabadda di­id­dan waan xoo­ji­nay­naa mar dhowna dalka oo dhan ayaa lagu baahin doonaa,” ayuu madaxweynu ku daray hadalki­isa.

Xasan Sheekh wuxuu kaloo in­taas ku daray in da­gaalka Al-shabaab uu ku­soo uru­ray mid gaadmo ah, ayna bil­laabeen inay beegsadaan mee­laha bul­shadu ku badan ya­hay ayna ku laayaan dad aan waxba gal­ab­san.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horeysay oo madaxweyne Xasan uu sheego inuu socdo qor­she Al-shabaab looga ciribti­rayo dalka oo dhan, is­a­goo ho­ray u shee­gay in dalka oo dhan ay ka saarayaan, laaki­inse waxaa weli muuqata in Al-shabaab ka tal­iso dee­gaanno badan oo Koon­furta iyo Bar­tamaha Soomaaliya ku yaalla.