AF-SOOMAALI

Xaqi­iqada We­jiyada cusub ee loo ma­g­a­caabay Tal­isyada Ci­idamada iyo Madax­tooy­ada So­ma­lia


Madaxwey­naha Soomaaliya Max­amed C/​llaahi Far­maajo ayaa sameeyay is­be­del­ladii ugu wey­naa ee Hay’adaha am­niga iyo Madax­tooy­ada Soomaaliya.

Wa­reeg­tadii saaka ka soo bax­day Xafi­iska Madaxwey­naha Soomaaliya waxay ahayd kuwii ugu dan­beeyay wa­reeg­tooyin lagu tilmaa­may wi­ifto oo si is-daba joog ah uga soo bax­ayey xafi­isyada Madaxwey­naha iyo Ra’i­isal wasaaraha, iyadoo dowladda Nabad iyo Nolol ay no­qo­tay tii ugu weyneyd ee xil ka qaadis iyo ma­g­a­caabis waqtigeeda ku qaa­datay.

IS­BE­DEL­LADA UGU WAAWEYN IYO WE­JIYADA CUSUB

  1. FAHAD YAASIIN: Weji cusub oo haddana qadiim ah

Is­be­delka ugu weyn ee wa­reeg­tada ka muuqda ayaa ah in Agaasimaha madax­tooy­ada Fa­had Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa ninka ugu awoodda badan dowladda Far­maajo uu hadda door­tay inuu no­qdo Agaasimaha iyo Sir­doonka ee NISA, taa­soo ka dhi­gan inuu maa­muli doono Hay’adda mu­ranka badan ka dhex ji­ray ee awoodda badan, kadib markii xi­lalkii laga qaa­day labadii ku xigeen ee NISA, is­a­guna uu no­q­day ku xigeenka kaliya ee Hay’adda, iyadoo labada Agaasime ku xigeen ay xilka u waay­een ku xigeenka awoodda leh oo la aamin­san ya­hay inuu is­agu maa­muli doono.

Lama oga sababta uu ku door­tay Hay’adda NISA oo aan ahayn mid siyaasadeed, isla markaana ay so­co­toy qor­she ah in awood­deeda si weyn loo ya­reeyo, iyadoo sharci cusub loo samey­nayo la­guna celi­nayo how­shii sir­doon, taa­soo dhowaan bi­laab­tay markii ci­idamada hubeysnaa laga wa­ree­jiyay oo lagu bi­iriyey Booliska.

  1. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka: Talis ay naafeysay isbedello hoggaan

We­ji­gada cusub ee aan had­dana cus­beyn ee wa­reeg­tada ugu dan­beysan soo celisay waxaa ka mida xilkii Taliyaha Ci­idanka xoogga dalka oo laga qaa­day Jen. C/​weli Jaa­mac Gorod oo xog kala duwan ay tilmaan­tay inuu ahaa shaqsi hanan waayey taliska xoogga dalka oo jil­ic­san, wax­aase xilka loo ma­g­a­caabay Jen. Daahir Aadan Cilmo (In­dha Qarshe) oo hore xilkan u soo qab­tay dowlad­dii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jen. In­dha-Qarshe waxaa xilka looga qaa­day ar­rimo amar ku taa­gley iyo musuq ah, iyadoo ay xaal­adi­isu gaarto in gabayo laga tiriyo dhibaatada uu ku hayo ci­idamada xoogga dalka, wax­ayna tani muu­jineysa inay soo yaraadeen dadka xilkan qa­ban kara, markii dib loogu laab­tay taliye hore how­shan ku eed mu­tay.

Waxaa kaloo xilka ci­idamada ku cusub Taliyaha Ci­idanka Badda oo loo ma­g­a­caabay G/​sare Xasan Nuur Col-ujoog, wax­aana seefta xil ka qaadista ay la tag­tay Jen. Maadey Ufurow oo muddo dheer xilkan soo hayey

  1. Abaanduulaha ciidamadda Xoogga dalka

We­ji­gada cusub ee ku jira ma­g­a­caabidda madaxweyne Far­maajo waxaa ka mida in abaan­du­u­laha ci­idamada Xoogga dalka loo ma­g­a­caabay Taliy­i­hii Ilaal­ada Madax­tooy­ada Odawaa Yu­usuf Raagge oo ahaa nin dhalin­yaro ah oo la­soo dalac­si­iyey la­gana dhi­gay Sa­re­eye Gu­uto, wax­aana ar­rin­tan oo loo ee­gay mi­isaanka bee­laha lagu tilmaami karaa is­be­del dhi­naca fi­ican loo qaa­day had­dii aanay dhibaato ka imaan khi­brad la’aanta abaan­du­u­laha cusub.

Waxaa xilkii laga qaa­day Abaan­du­uli­hii Ci­idanka xoogga dalka Jen. C/​llaahi Cali Caanood oo ahaa nin ay isku heyb yi­hiin madaxwey­naha oo si weyn looga sheeg­tay inuu ma­g­aca madaxwey­naha ku sameeyo takri­fal awood­eed, isla markaana dacwado badan uga yi­maadeen madaxwey­naha.

  1. Haweenka iyo xilalka cusub

Aamino Saciid Cali oo ho­ray u aheyd Agaasime kux­igeenka Madax­tooy­ada ayaa no­qo­tay Agaasimaha Guud ee Madax­tooy­ada, wax­aana loo arkaa inay ahayd mas’u­ulka shaqada hoose ee madax­tooy­ada hore u wa­day, iyadoo aan ku cus­beyn madax­tooy­ada.

Waxaa sidoo kale Taliye kux­igeenada ci­idamada Booliska Soomaaliy­eed markii ugu horeysay loo ma­g­a­caabay G/​Sare Za­kiya Xuseen Axmed oo sanado ka hor ku bi­ir­tay Ci­idan­i­mada.

Is­be­del­lada cusub ee madaxweyne Far­maajo ku sameeyay tal­isyada ci­idamada ayaa waxaa ka dha­lan kara inuu mee­sha ka baxo mi­isaankii bee­laha, taa­soo keeni doonta in xi­lal kale la ma­g­a­caabo waqtiyada soo socda.