AF-SOOMAALI

Xaal­ada Balad Xaawo oo saaka dag­gan


Kadib da­gaalo sha­lay iyo do­raad ka dha­cay ma­g­a­al­ada xadka ku taala ee Balad Xaawo, ma­g­a­aladu saaka waa dag­gan tahay.

Dhowr qof ayaa ku dhin­tay to­ban kalena waa ku dhaawacmeen da­gaalo halkaa ka dha­cay maalmi­hii la­soo dhaafay oo sha­lay ay ugu dambeysay.

Da­gaalka ayaa bilow­day sha­lay kadib markii ci­idamada maa­mulka deg­madaa ee Juba­land ay weer­a­reen kooxo hubeysan oo ka­soo hor­jeestay is­bad­dal lagu sameeyay maa­mulka deg­madaa kadib markii ay toog­teen askari katir­san ci­idamada maa­mulka deg­madaa.

‘Ci­idamo ka tir­san maa­mulka ayaa weer­aray guri ku yaalla xaafad bariga Balad Xaawo ku­taala wax­aana halkaa lagu di­lay qaar ka tir­san kooxo hubeysan oo tan iyo xalay ku dhu­umaa­leysanaayay guri­gaas’. Sidaa waxaa yiri goob­jooge la had­lay war­baahinta.

Wazi­irka Am­niga ee Juba­land, C/​Rashiid Xas­san Nuur ayaa shee­gay in kooxo fal­laa­goobay ay weerar ku qaadeen ci­idamada Juba­land ayna khasaare u geysteen.

Sha­lay ayaa waxaa xir­naa ganac­siyada ayadoo dhaqd­haqaaqa dadka la xad­di­day sha­cabkuna badankoodu ay guryaha joogeen.

Habeyn hore iyo dor­raad ayaa waxaa Balad Xaawo ka dha­cay labo qarax kuwaa­soo geystay khasaaro nafeed oo dhi­masho iyo dhaawac intaba leh.