AF-SOOMAALI

Wasi­irkii hore ee arimaha dibada ee Soomaaliya Cab­di­rax­maan Jaa­mac Barre oo ku geery­oo­day Maraykanka


Al­laha u naxari­is­tee waxaa ma­g­a­al­ada San Diego ee gob­olka Cal­i­fo­nia dalka Maraykanka ku geery­oo­day habeen­i­madii xalay wasi­irkii hore ee arimha dibada Soomaaliya xiligii dowladii ka­caanka Dr. Cab­di­rax­maan Jaa­mac Bare.

Geerida Cab­di­rax­man Ja­mac Barre ayaa waxaa idaa­cada VOA-da u xaqi­ijiyey wi­ilka uu adeerka u ya­hay Diriye Max­amed Siyad Barre oo hadda ku sugan gob­olka Vir­ginia.

Alaha u naxris­tee marx­u­umku waxuu ku dhashay ma­g­a­al­ada Luuq ee gob­olka Gado 1937dii

Waxuu waxbarasho sare ee heer jaa­macdeed ku Soo dhameeyay Dalka Talyaaniga ho­raan­tii 60kii Jaa­macada Padua ee Dalka Talyaaniga

Wax­u­una la soo shaqeeyay xuku­madahii ka horeeyay xiligii ka­caanka ,wax­u­una ka hawl­gali ji­ray wasaarada Arimaha Dibadda oo xi­lal kala duwan ka soo qab­tay.

Waxaa sanad­kii 1970kii loo ma­g­a­caabay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya, kadibna july 1977 ayuu no­q­day wasi­irka wasaarada arimaha dibada.

1987kii ayaa loo ma­g­a­a­cay Wasi­irka Maaliyada iyo Lacagta xili­gaas oo dalka saameeyay dhaqaalo la’aan iyo sacir barar , isla sanad kadib markii wax laga qa­ban­waayay dhibaatadii dhaqaale ee dalka ayaa dib loogu celiyey wasaaradii Arimaha Dibada ilaa dalka uu ka bur­bu­ray.

Alaha u naxari­is­tee marx­u­umku waxuu xiligii da­gaal­ada ku noolaa sanadahii hore dalka Kenya in­tii danbe ilaa uu ka geery­oo­dayna waxuu da­ganaa dalka maraykanka Ma­g­a­al­adda Sandeigo ee Cal­i­fo­nia.

Waxuu ifka uga tagay 15 qof oo is­agu jira waxuu dha­lay iyo waxay sii dhaleen.