AF-SOOMAALI

Wasiirka Cusub Gaashaandhiga Soomaliya oo Booqday Xarunta Wasaaradda


Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka Tirsan wasaarada iyo saraakil Ciidan.

Kormeerkan ayaa waxaa Wasiirka cusub ku wehliyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii waqtigeeda uu dhaamaday Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka cusub ayaa ugu horeyntii salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana kaddib uu mid mid u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.

Kormeerka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa qeyb ka ahaa wajiga koowaad ee xil wareejinta, iyadoo la filayo in dhowaan uu si rasmi ah xilka ugala wareego Wasiirkii hore.