AF-SOOMAALI

Wasi­irka ar­rimaha dibedda Er­itrea oo soo gaaray ma­g­a­al­ada Muqdisho


Wafdi heer sare oo uu horka­cayo wasi­irka ar­rimaha dibedda Er­itrea ayaa goor dhaw soo gaaray ma­g­a­al­ada Muqdisho, wax­aana ga­roonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay ra’i­isal wasaaraha Soomaaliya Xas­san Cali Kheyre.

Wafdiga wasi­irka ar­rimaha dibedda Er­itrea ayaa sidoo kale waxaa ka mid la taliyaha madaxwey-naha ninka lagu ma­g­a­caabo Ye­mane Ghe­breab.

Wafdiga ayaa lagu wara­maayaa in ay hor-dhac u yi­hiin booqasho Madaxwey­naha Er­itrea Isa­ias Afw­erki uu dhawaan ku imanayo ma­g­a­al­ada Muqdisho.

Madaxwey­naha dowladda Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ayaa bi­hii hora booqasho taari­ikhi ah ku tagay ma­g­a­al­ada As­mara ee dalka Er­itrea is­aga oo no­qon­aya madaxweyni­hii ugu horeeyay ee Soomaaliy­eed ee booqda dalkaas oo 1993 ka go’ay Itoobiya.