AF-SOOMAALI

War­bixin Xas­aasi ah : Muxuu gal­ab­sa­day oo loo di­lay marx­uum Axmed Dowlo


Waa dhacdo naxdin leh oo dhi­naca kale ku tuseysa heerka uu gaar­sisan ya­hay arinka ku saab­san heyb sooca iyo in qofka lagu faqu­uqo Qabi­ilka uu ka soo jeedo Soomaal­ida dhaxdeeda.

Marx­uum Axmed Mukhtaar Saalax [Axmed Dowlo] ayaa nafi­isa ku waayay arin la xiri­irta jaceyl iyo guur dhax­maray wiil uu adeer u ahaa iyo gabar aysan isku heyb aheyn oo ehel­keeda u ar­keen in uu­san geynin wi­ilka ay gaclootay ee uu gu­urku dhax­maray.

Falkan oo ka dha­cay ma­g­a­al­ada Muqdisho gaar ahan xaafadda Tow­fiiq ee deg­mada Yaashiid ayaa Axmed Dowlo waxaa weerar ku soo qaa­day xili uu ku sug­naa goobti­isa shaqo ee farsamada gadi­idka koox rag iyo du­mar isugu ji­ray oo sitay Baankado iyo Basiin kuwaa oo la shee­gay in ay isku heyb ahaay­een Gabadha ay is je­claadeen wi­ilka uu adeerka u ahaa marx­u­umka.

Waxaa ay ehe­lada marx­uum-ku sheegeen in kooxda dilka geysa­tay ay ka koob­naay­een Shan ruux oo sad­dax ka mid ah haween ahaay­een, is­aga oo nafti­isa ku waayay arin la xiri­irta ‘’Heyb Sooc Gu­ur’’

‘Si kadis ah ay­eey u soo weer­ar­reen marx­u­umka, markii uu ogaa­day in is­aga loo socdo waxaa uu dam­cay in uu guriga ka galo uu al­baabka ka soo xirto, laakiin in­tii uu­san gaarin halkii uu gabaadka ka dhi­gan la­haa kooxdii ayaa ku bi­laaw­day in ay Bankaado la dha­caan, ilaa ay nafta ka qaadeen, iyaga oo markii danbe-na mey­d­ki­isa gu­may ayuu yiri” goob­jooge ku sug­naa halka uu falka ka dha­cay.

Ugaaska bee­sha uu ka soo jeedo marx­u­umka dhin­tay ayaa shee­gay in ar­inta ku saab­san wi­ilka iyo gabadha is cal­ma­day muddo dheer-ba soo ji­ita­meysay, balse markii danbe Gabadha Adeer­adeed ogo­laadeen Gu­urka, hasse ahaa­tee waxaa ar­in­taa ka biyo-di­i­day oo ka soo hor­jeestay Hooy­ada dhashay Gabadha oo la shee­gay in ay isku heyb ahaay­een dadka di­lay marx­u­umka Axmed Dowlo oo ahaa Aabe ka tagay 12 car­ruur ah iyo labo Xaas

Mey­dka marx­u­umka ayaa la dhig­gay xarunta dambi bariste ee CID-da, sida ay sheegeen qaar ka tir­san ehe­ladi­isa oo dal­ba­day in ay cadaal­adda hel­laan.

Di­lalka noocan ah ee laga ar­gag­ixo ayaa waayadii ugu dan­beeyay ahaa kuwo ku soo badanayay ma­g­a­al­ada Muqdisho.

Dhawaan ay­eey aheyd markii dee­gaanka Sarku­usta ee dulleedka Muqdisho uu Nin ku di­lay Xaask­isa oo u dhashay 7 Car­ruur ah, inkas­too markii danbe la shee­gay in uu ahaa qof madaxa looga ji­ray ama waal­naa.