AF-SOOMAALI

Wararkii ugu dan­beeyay tirada dhi­mashada weer­arkii Wasaaradda Ar­rimaha Gu­daha


Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid ahaay­een shaqaale ka tir­san Wasaaradda Ar­rimaha Gu­daha, Askar ka tir­san ci­idamada dowladda iyo koox­i­hii weer­arka geystay ayaa ku dhin­tay weer­arkii Is­maam­inta ahaa ee maanta lagu qaa­day Ex xarun­tii hore ee Oto Oto oo hadda ah Wasaaradda ar­rimaha gu­daha.

Ci­idamada am­maanka ugu dan­beyn­tii soo af­jarayay weer­arka xarunta oo ay ku ay wadda de­gan yi­hiin Wasaarad­daha ar­rimaha Gu­daha iyo Am­niga.

Xarun­tan ayaa markii hore lagu weer­aray gaari waxyaabaha qarxa laga soo bu­uxiyay, iyadoo dab­ley hubeysan oo gaarayay sad­dex da­gaalame ay gu­daha u galeen.

Wararka ayaa shee­gaya in is rasaaseyn muddo saa­cad ka badan so­co­tay kaddib ay ci­idamada am­niga ku gu­u­leysteen in ay di­laan sad­dexda da­gaalame oo gu­daha u galay xarunta.

Al-Shabaab ayaa shee­gatay mas’u­uliyadda weer­arkan, kaa­soo no­qon­aya weer­arkii u horeeyay nooci­isa oo xarun dowladeed lagu qaado in muddo ah.