AF-SOOMAALI

War-Mur­tiy­eedka ku­lanka wasi­ir­rada ar­rimaha dibadda, Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritereya ee Muqdisho


Wasi­irka Ar­rimaha Dibedda dalka Ereteriya Mu­dane Os­man Saleh Mo­hammed iyo Wasi­irka Ar­rimaha Dibedda dalka Itoobiya Mu­dane Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid ma­g­a­al­ada Muqdisho, Soomaaliya 17kii Ok­too­bar, 2018.

Booqashadani waxaa ay qayb ka tahay iskaashiga di­bloomaasiyadeed ee u dhex­eeya sad­dexda dal iyo wada­hadal­lada mud­dooyinkii danbe soc­day kaddib hes­hi­iskii sad­dex geesoodka ahaa ee sad­dexda hog­gaamiye ku dhex­maray ma­g­a­al­ada As­mara, bishii Seb­teem­bar, 2018.

In­tii booqashadu so­cotey, Wasi­ir­rada waxaa qaab­bi­lay Wasi­irka Ar­rimaha Dibedda Soomaaliya, wax­ayna salaan ugu tageen Madaxwey­naha Jamhu­uriyadda Fed­er­aalka Soomaaliya Mu­dane Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo,kuwaas oo salaan uga si­day Madaxweyne Isa­ias Afw­erki iyo Ra’i­isul Wasaare Abiy AhmEd. Sidoo kale Wasi­irada waxay wada­hadallo la yeesheen Ra’i­iaul wasaare Xasan Cali Khayre.

In­tii ay wada­hadal­ladu socdeen, hog­gaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen hes­hi­iskii sad­dex-geesoodka ahaa ee dhi­gayey in la iska kaashado dhi­na­cyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo am­niga, wax­ayna dib u xaqi­ijiy­een sida ay uga go’an tahay inay si wada­jir ah uga shaqeeyaan nabadda, xas­il­loonida iyo ho­ru­marka Geeska Afrika.

Hog­gaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliy­een tal­laa­booyinka to­gan ee hore loo qaa­day kaddib markii la gaaray hes­hi­iska sad­dex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u fu­rista xudu­udda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta du­ul­li­maadyada tooska ah ee is­aga kala goosha caasi­madaha sad­dexda dal.

Iyaga oo mete­laya madax­dooda, Wasi­ir­rada Ar­rimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiy­een taageer­adooda xoog­gan ee ku wa­ja­han Jamhu­uriyadda Fed­er­aalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliy­eed.

Wasi­ir­radu waxay bo­gaadiy­een ho­ru­marka ay Dowladda Fed­er­aalka Soomaaliya ka gaar­tay dadaal­lada dib loogu habay­nayo waaxyaha dhaqaalaha iyo am­niga iyo guud ahaan ho­ru­marka laga sameeyey dham­maan dhi­na­cyada kala duwan ee siyaasadeed.

Wasi­ir­rada Ar­rimaha Dibeddu waxay tixgeli­nayaan dadaal­lada dib u habayn ee um­madda Soomaaliy­eed iyo dowladda Fed­er­aalka, iyaga oo xusay kalsoonida kob­caysa ee Bee­sha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Wasi­ir­radu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab is­taagi doon­aan sha­cabka Soomaaliya iyo hog­gaanki­isa maad­daama ay rajo fi­ican u yi­hiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Bee­sha Caalamka ugu baaqeen inay si mi­daysan u taageer­aan dadaal­lada Dowladda Fed­er­aalka ee ku aad­dan in la hirgeliyo is­bed­delka lagama maar­maanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog.

Wasi­ir­rada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dham­maan dhi­na­cyada ay khusayso ee gu­daha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xas­il­loonida Soomaaliya.

Hog­gaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xar­ri­iqeen sida ay uga go’an tahay am­niga, bar­waaqada iyo xas­il­loonida gob­olku, iyaga oo dib u ad­keeyey dhawridda madaxban­naanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee sad­dexda dal.

Ugu dambayn­tii, Wasi­ir­rada Ar­rimaha Dibeddu waxay ka ma­had­celiy­een mar­ti­soorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socdey.