AF-SOOMAALI

War-Deg-Deg ah: Qarax ka dhacay Muqdishu


Gaari miineysan ayaa ku Qarxay bannaanka hore ee maqaayadda Italian Coffee Restaurant ee ku taalla Waddada Maka Al mukarama ee magaalladda Muqdishu, sida goobjoogayaal ay sheegeen.

Maqaayadda Qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ay u dhowdahay xarunta socdaalka ee dawladda federalka ee Soomaaliya

Ugu yaraan laba ruux ayaa la sheegay in ay ku geeryoodeen Qaraxa halka lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka uu khasaaraha kasoo gaaray Qaraxa ayaa la sheegay in ay u badanyihiin dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Garaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu ku jiray “Parking”, sida dad ku sugnaa maqaayad lagu magacaabo Italian Coffee ay u sheegeen Hiiraan Online.

Wadda Maka Al Mukarama oo ah halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah waddada ugu mashquulka badan ee dhex marta magaalladda Muqdishu.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ilaa iyo hadda.

Dhinaca kale xalay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalladda Muqdisho waxaa ka dhacay qarax, kadib markii sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugida gaarigiisa loogu xiray Qarax.