GLOBAL NEWS

Tiro ka mid Shaqaalaha Qara­mada Mi­doobay ee Punt­land oo Maanta lagu Di­lay Weerar Qarax


sniin, Abriil 20, 2015 (HOL) — Ugu yaraan tod­dobo qof ayaa ku geeriy­oo­day tiro in­taa ka ban­danna waa ay ku dhaawacmeen qarax saaka aroorti hore lala beegsa­day gaari bus ah oo si­day shaqaale ka tir­sanaa hay’adda UNICEF.

Dad goob-joogayaal ah ayaa xaqi­ijiyay in shan ka mid ah dadka geeriy­oo­day ay ahay­een ajaanib ay ku ji­raan kuwa u dhashay Kenya,wax­aana dadka geeriy­oo­day ku jira laba ruux oo Soomaali ah oo ka shaqay­nayay xafi­iska UNICEF ee Garowe.

Waxaa qaraxan oo ka dha­cay aga­gaarka Ho­tel Rugsan oo ku dhow xafi­i­iska Qara­mada Mi­doobay ee Garowe laga da­reemay qaybo kamid ah ma­g­a­al­ada, wax­aana in­taa ka dib la maqlayay rasaas ay ri­day­een ilaal­ada xafi­iska.

“Todobo qof ayaan in­d­ha­hayga ku arkay dhamaan­toodna waxa ay ahayaan dad­kii baska saar­naa ,wey ad­kayd in la aqoon­sado wa­jiyadooda,“ ayuu yiri goob-jooge dal­ba­day in ma­g­a­ci­isa aan la is­tic­maalin.

Ci­idamada am­niga deg­mada Garowe ayaa wax yar uun kaddib qaraxa soo gaaray goobta, wax­aana ay xireen dhamaan ji­dadka soo gala wadada uu qaraxu ka dha­cay ,mana jirto ilaa iyo hadda cid si rasmi ah uga hadashay weer­arkan.

Ugu dan­bayn,ma­g­a­al­ada Garowe ayaa sanadi­hii la soo dhaafay ahayd ma­g­a­alo ka xas­iloon qay­baha kale ee Punt­land ,wax­aana weer­arkan oo ahaa mid baska loogu xi­ray shaqaalaha uu ku soo beeg­mayaa, xilli Punt­land ay da­gaal kula jirto ururka Al-shabaab oo sald­hi­gyo ku leh bu­u­raha Gal-gala.