AF-SOOMAALI

Taliyaha & Abaan­du­u­laha cusub ee ci­idanka Xoogga dalka oo xilka la wa­ree­gay


Taliyaha cusub ee Ci­idanka Xoogga dalka S/​gaas Daahir Aadan Cimi iyo Abaan­du­u­laha cusub ee Ci­idankaasi S/​gu­uto Odowaa Yu­usuf Raage oo dhowaan uu ma­g­a­caabay Madaxwey­naha JFS, ayaa maanta si rasmi ah Xilka u wa­ree­gay, kadib mu­naasabad ka dhac­day Xarunta Wax­aaradda Di­faaca Soomaaliya.

Mu­naaasabadda, ayaa waxaa ka­soo qeyb galay Wasi­irka wasaaradda Gaashaand­higga XFS, Taliyeyaasha Ci­idanka Booliska iyo Aslu­ubta, Taliyahii hore iyo Abaan­du­uli­hii hore ee Ci­idanka Xoogga, Saraakiil ka so­co­tay Wadamada saaxi­ibka la ah Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Taliy­i­hii hore ee Ci­idanka Xoogga dalka S/​gaas C/​wali Jaa­mac Gorod ayaa waxaa uu mu­naasabada ka shee­gay in mud­dadii uu xilka hayay uu waxbadan ka badalay shaqada taliska, is­a­goona tilmaa­may inuu aad ugu faraxsan ya­hay inuu maanta wa­ree­jiyo xilka taliyaha ci­idanka xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee Ci­idanka xoogga dalka S/​gaas Daahir Aadan Cilmi (In­dho-qarshe), ayaa shee­gay inuu ka shaqeyn doono sidii dalka oo dhan Al-shabaab looga Xoreyn la­haa.

Wasi­irka Wasaaradda Gaashand­higga XFD Mu­dane Xasan Cali Max­amed, ayaa faray Saraaki­isha inay si daa­cad ah ula shaqeeyaan Taliyah cusub ee ci­idanka xoogga dalka, is­a­goona xusay in dhanki­isa uu si dhow ula shaqeyn doono.