AF-SOOMAALI

Taari­ikh cusub oo u bi­laa­batay xiri­irka di­blo­maasiyadeed ee Soomaaliya iyo Er­itrea


Soc­daalka madaxwey­naha dowladda Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ee As­mara ayaa u muuqda mid bog cusub iyo taari­ikh bilow ah ka dhi­gaya xirirka di­blo­maasiyadeed ee labad dal Soomaaliya iyo Er­itrea.

Booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo Sad­dex cisho ah ayaa madaxwey­naha Soomaaliya iyo wafdi uu horka­cayo uga bi­laa­batay ma­g­a­al­ada As­mara ee dalka Er­itrea oo maanta si di­iran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Isaisa Afw­erki iyo xubno ka tir­san goli­hi­isa Wasi­iradda ayaa ga­roonka diyaaradaha uga horta­gay madax-wey­naha Soomaaliya iyo wafdig­gii la soc­day.

Booqashadan oo ah marka dhinac laga eego mid la jaan-qaadeysa is badal­lada siyaasadeed ee gob­olka ka soo cus­boon­a­day, ayaa la fi­layaa in labada madaxweyne ku­la­madooda inta badan di­ir­rada ku saaraan sidii loo soo noo­leyn la­haa xiri­irkii labada dowladood oo muddo dheer-ba mad-madow ku ji­ray.

Er­itrea oo muddo ka badan 20 sano da­gaal kula jir­tay dowladda dariska la ah ee Itoobiya ayaa iyadoo ka xukun saameynta ay Itoobiya ku la­heyd Sooma­liya, waxaa iyana taa badal­keeda u ogo­laatay dal­keeda in ay xarumo ka dhig­taan Urur­radii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya sida mi­d­owgii Maxka­madaha iyo koox­i­hii kale ee ku kac­sanaa dowlad­di­hii dalka is­aga dan­beeyay sida Is­ba­heysigii As­mara oo ay ku mideysnaay­een wadaado iyo siyaasiyiin is badal doon ahaan.

Waxey taasi dhaxal si­isayy markii danbe in dowladda Er­itrea lagu eedeeyo in ay taageerro dad badan si­iso urur­rada xagjirka ah sida Al-shabaab, ugu dan­beyn­tii-na Qara­mada Mi­doobey ayaa ku soo rog­tay cu­naqa­bateyn sabab looga dhi­gay in ay xas­ilooni darro ka wado gob­olka Geeska Africa.

Laakiin marka aad eegto hes­hi­iskii ugu dan­beeyay ee dhax­maray labada dowladood Itoobiya iyo Er­itrea iyo booqashada madaxwey­naha dowladda Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ee As­mara, waxaa muuqanaya in markan Er­tirea diyaar u tahay in ay mee­sha ka saarto tuhu­madii laga qabay ee keenay muddo dheer-ba go’­doon ka ahaato caalam-ka in­ti­isa kale.

Dowladda Soomaaliya-na waxaa muuqanaya in dhi­naceeda ay diyaar tahay in ay la jaan-qaado is badal­lada ka socda gob­olka oo dhi­na­cyo badan isugu jira.