AF-SOOMAALI

Soomaaliya oo laga reebay in lagu mar­tiqaado fu­ri­taanka ga­roonka cusub ee diyaaradaha ee ma­g­a­al­ada Is­tan­bul


Dowladda Turkiya ayaa waxa ay fur­tay ga­roonka diyaaradaha ugu weyn ad­du­un­yada, kaas oo ah mashruuc aad u weyn oo muu­ji­naaya riyada Madaxweyne Er­do­gan ee ah in dalka Turkiya uu ka dhigo dal door weyn ku leh caalamka. Laakiin dalka Sooma­liya ayaanan ka soo qeyb galin xaflad­daas ay isugu yi­maadeen dalalka saaxi­ibada waaweyn la ah dalka Turkiya, sida ay HOL ka war he­s­hay.

Ka reebitaanka Soomaaliya laga reebay xaflad­daas muhi­imka ah oo ay ka soo qey­b­galeen hogaamiyayaasha in ka badan 18 dal o oka mid yi­hiin Qadar, Su­u­daan, Pak­istan, Ser­bia, iyo Uzbek­istan oo fad­hiya ku­raasta hore ayaa loo ma­ley­nayaa inay la xiri­irto taageeradii ay dowladda Soomaaliya ay u muu­jisay Bo­qor­tooy­ada Sacu­udiga ee dilkii la di­lay Sax­afiga Sacu­udiga u dhashay ee Ja­mal Khashoggi oo lagu di­lay qun­suliyadda Sacu­udi Cara­biya ee ma­g­a­al­ada Is­tan­bul bishii hore.

Dilka Khashoggi, oo wax ku qori ji­ray wargesyka Wash­ing­ton Post isla markaana ahaa nin dhali­il­san dhaxal-sug­a­hay Bo­qor­tooy­ada Sacu­udi Cara­biya Mo­ham­mad bin Salman oo ay 15 wakiil oo ka tir­san Sacu­udiga ay ku dileen qun­suliyada Saudi Ara­bia ayaa cirka isku sha­reer­tay, taa­soo keen­tay in dunidu ay si weyn uga xu­maato dhac­dadaas. Dowladda Sacu­udi­gana waxa ay dhac­dadaasi ge­lisay xaal­ado adag oo siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaa­tee, Wasaaradda Ar­rimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa soo saar­tay qo­raal ay ku muu­jineyso “taageer­ada bu­uxda” oo ay u muu­jineyso Sacu­udi Cara­biya, iyo in ay ka soo hor­jeeddo “dham­maan kuwa doon­aya in ay wi­iqaan kaal­inta Sacu­udiga”. Hadalka­asi ka soo baxay Wasaaradda Ar­rimaha Dibedda Soomaaliya waxa ay ka careysi­isay dalalka Turkiga iyo Qatar, oo ah laba dal oo si weyn u maal­geliya Soomaaliya, kuwaas oo wal­iba wal­wal laga qabo inay ad­keeyaan oo uu hoos u dhac ku yi­maado xiri­irka Soomaaliya ayaa la leey­i­hiin.

Turkiga ayaa weli ah maal-gashiga ugu weyn oo lamaane u ah Soomaaliya, wax­ayna bo­qo­laal milyan oo doolar ku soo da­reen dadaalka dib-u-dhiska Soomaaliya. Xuku­umadda Turkiga ayaa sidoo kale ka dhis­tay caasi­madda Soomaaliya mid ka mid ah safaa­radeeda ugu weyn caalamka, taa­soo ka tar­ju­maysa danaha muhi­imka ah ee mud­naanta leh ee Soomaaliya, oo ah dal ka soo ka­banaaya dhibaa­tooyinkii da­gaal­ada so­ke­eye.

Madaxweyne Er­do­gan oo ka had­laaya qi­imaha ga­roonka cusub ee laga dhisay xee­baha Badda Madow, ayaa waxa uu cad­deeyey in dalka Turkiga uu mo­qon­aayo ”goobta ugu muhi­im­san ee lagu kala be­desho diyaaradaha caalamka ee u kala socda wuqooyiga-koon­furta iyo bariga-gal­beedka ad­du­unka, taas oo isku xireysa 60 dal iyo $ 20 tir­il­liyan oo dhaqaale ah”. Madaxweyne Er­do­gan wuxuu in­taas ku daray oo uu yiri ”an­naga oo is­tic­maa­leyna ga­roonka cusub ee Is­tan­bul, wax­aan sii wadey­naa doorka muhi­imka ah ee dal­keena ah ee is­d­hex­galka dhaqaalaha caalamka” ayuu u shee­gay war­gayska As­so­ci­ated Press.

Sida laga soo xig­tay war­baahinta Turkiga, dham­maadka sanad­kan, ga­roonka weyn ee diyaaradaha ee cusub in uu badali doona ga­roonka Ataturk In­ter­na­tional Air­port, oo loogu ma­gac daray aab­bi­hii aasaasay Turkiga.

Sida laga soo xig­tay xeeld­heer­ayaasha, Soomaaliya waxa ay lu­misay wax badan markii laga waayey ka qeyb galin xaflad­daas muhi­imka ah ee Turkiga, kaas oo sidoo kale ku soo beeg­may 95-gu­u­radii aasaaskii Jamhu­uriyadda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya waxay gashay aa­mus­naan kadib markii ay soo saar­tay hadalkii ay ku taageer­tay Sacu­udiga. Waxaa kale oo maal­in­tii Ta­laadada aheyd la heli waayey afhay­een u hadla dowladda Soomaaliya oo ka jawaaba ka maq­naan­shada Soomaaliya ee xafladda fu­ri­taanka ga­roonka cusub ee Is­tan­bul. ​