AF-SOOMAALI

Soomaal­ida Canada oo dhul ku iib­sa­tay aduun lacageed oo dhan $6,500,000


Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaaliy­eed ee ku dhaqan dalka Canada ayaa lagu wara­mayaa in dhul ku iib­sadeen lacag gaareysa $6,500,000 dol­lar, wax­ana uu no­qon­ayaa dhulkii ugu bal­laar­naa oo ay iib­sadeen markii ugu horeysay qaar ka mid ah Jaaliyada dalka­asi Canada.

Dhulkan oo lagu shee­gay inuu qiyaas ahaan dhanya­hay 850,000 me­ter labo jibaaran ayaa qi­im­i­hi­isu uu gaad­hayaa $6,500.000 oo dol­lar.

Dhulkan ayaa la shee­gay in uu no­qon­ayo goobo ganacsi iyo dee­gaan intaba, waana tal­laabo ku cusub guud ahaan marka la eego Jaaliyada Soomaaliy­eed gaar ahaan Soomaal­ida ku nool dalka Canada.

Mid ka mid ah gud­diga dhulkan maa­mu­laya oo lagu ma­g­a­caabo Bashiir Xaaji Cali ayaa shee­gay in dhulkan uu ku yaalo bar­tamaha ma­g­a­al­ada Ed­mon­ton, is­aga oo in­taa ku daray in uu ya­hay dhul laga sameysan karo dee­gaan iyo ganacsi intaba.

Wuxuu shee­gay in muddo dheer ay ka wada had­lay­een Jaaliyada Soomaal­ida dalka Canada sidii dhulkan loola soo wa­reegi la­haa ugu dan­beyn­tii-na lagu gu­u­leystay in 29 bishii hore ee Au­gusto ee sanad­kan lala soo wa­reego dhulka milkiyadi­isa.

Marka loo eego dadka Soomaaliy­eed ee qur­baha ku dhaqan qi­imaha la shee­gay in dhulka lagu iibiyay waa mid aad u badan, laakiin marka la eego baax­ada dhulka iyo muhi­imada uu ku fad­hiyo ayaa la oran karaa ma’aha lacag badan $6,500.000 dol­lar.

Jaaliyada Soomaal­ida ayaa si­weyn ugu farax­day in ay hel­laan lana soo wa­ree­gaan dhul ay iyagu leey­i­hiin oo baaxad in­taa la eg ku fad­hiya, waana qeyb ka mid ah marka la eego hor­marada ay sameyanayaan Soomaal­ida qax­ootiga ku ah dalka dibed­di­isa.