AF-SOOMAALI

Shariif Xas­san Sheekh Aadan oo iska casi­lay xilkii madaxwey­naha Koon­fur Gal­beed


Wararka naga soo gaaraya ma­g­a­al­ada Bay­d­habo ee xarunta gob­olka Baay ayaa shee­gay in goor dhaw Shariif Xas­san Sheekh Aadan uu halkaa kaga dhawaaqay in uu iska casi­lay xilkii madaxwey­naha maa­mulka Koon­fur Gal­beed.

Sidoo kale Shariif Xas­san ayaa shee­gay in uu ka tanaa­su­lay musharaxn­i­madii madaxweyne ee maa­mulka, taa­soo mee­sha ka saareysa jah­wa­reerkii maalmi­hii ugu dan­beeyayba ka taag­naa han­naanka hab­sami u socodka qa­ban­qaabada doorashada.

Shirka Jaraa’id ee Shariif Xas­san waxaa joogay gud­doomiyaha baar­la­maanka maa­mulka Koon­fur Gal­beed Cab­duqaadir Shariif Sheekhu­naa Maye.

Maalmi­hii ugu dan­beeyayba waxaa taag­naa khi­laaf ka dhashay han­naanka doorashada madaxwey­naha Koon­fur Gal­beed, kaddib markii ay is casileen inta badan gud­dig­gii doorashada oo dowladda fed­er­aalka ku eedeeyay in ay fara-galin ku heyso.