AF-SOOMAALI

Safi­irkii hore ee Mareykanka oo weerar cu­lus ku qaa­day DF, dig­niin adag-na u di­ray


Safi­irkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa weerar cu­lus ku qaa­day dowladda fed­er­aalka Soomaaliya, oo uu ku eedeeyey inay xas­il­looni darro ka abu­ur­tay dalka.

Stephen Schwartz, oo ka jawaabay qo­raalkii safaaradda Mareykanka ay madaxweyne Far­maajo uga cod­sa­tay inuu la hadlo madaxda maa­mul gob­oleedyada, ayaa barta bul­shada ee LinkedIn ku qo­ray in guul-dar­rada kaliya ee dowladda fed­er­aalka ay tahay sida ay ula dhaqanto maa­mul gob­oleedyada.

Waxa uu shee­gay in in­tii ay dalka ku maa­muli la­hayd si wada-shaqeyn ah, ay taa bed­dlel­keeda dowladda waxy­ee­leysay oo dhinac kasta ay is­aga in­dho-tir­tay maa­mul gob­oleedyada.

“Hanaankan aragtida gaa­ban ee fashilka ah, wuxuu xas­il­looni darro ku keenay inta badan dalka, wux­u­una kasii daray xi­isadaha caalamiga ah, is­aga oo wi­iqay dadaalkii lag­ula da­gaalayey Al-Shabaab,” ayuu yiri Stephen Schwartz.

Ad by Valueimpression

Schwartz ayaa ka di­gay in had­dii dowladda aysan la shaqeyn dowlad gob­oleedyada ay weyn karto taageer­ada bee­sha caalamka.

“Dowladda fed­er­aalka Soomaaliya waxay u baa­han tahay inay la shaqeyso dowl­daha xub­naha ka ah fed­er­aalka, ayada oo ugu faa’i­ideydeyneysa sha­cabka Soomaaliy­eed, had­dii kale waxa halis ugu jir­taa in la­gala laabto taageer­ada bee­sha caalamka iyo qurobo-joogta,” ayuu yiri.

Hadalka Stephen Schwartz ayaa ku darsamaya cadaadis weyn oo tod­dobaad­kan ko­ray dowladda fed­er­aalka, ayada oo dowladda Mareykanka ay si shaac­san dowladda ula hadashay kadib markii sida la shee­gay in la­gal qu­us­tay in si hoose wax looga dhaad­hi­ciyo.

Dowladda Mareykanka ayaa war-sax­aafaded cusub oo ay ka­soo saar­tay xaal­adda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay dowladda fed­er­aalka ugu baaq­day inay si deg deg ah u abaabusho ku­lan ay la yee­laneyso madaxda dowlad gob­oleedyada dalka.

“Das­tu­urka ku-meel garaka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa sald­hig u ah mab­da’a wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda fed­er­aalka iyo dowladaha xub­naha ka ah; qodobka 51(30), ayaa dhi­gaya in madaxwey­nayaasha ay ugu yaraan hal mar kul­maan sanad­ki­iba,” ayaa lagu yiri war-sax­aafadeedka.

Stephen Schwartz ayaa June 2016 no­q­day safi­irkii ugu hor­reeyey ee Mareykanka ee Soomaaliya loo diro muddo ka badan 25 sano, wux­u­una xilkaas iska casi­lay bishii Sep­tem­ber 2017.