AF-SOOMAALI

RW Khayre oo bo­qo­laal sha­cab ah Salaada Ci­ida kula tuka­day Masjidka Is­ba­heysiga


Ra’isul Wasaaraha Xuku­umadda Fed­er­aalka So­ma­lia Xasan Cali Khayre ayaa saaka dad­weyne bo­qo­laal gaaraya salaadii ci­idul adxaa kula tuka­day masaa­jidka Is­ba­heysiga Is­laamka ee ma­g­a­al­ada Muqdisho.

Tukashada salaada ci­ida ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, wasi­iro, xild­hibaano, saraakiil ka tir­san ci­idamada iyo ma­su­uliyin kale, wax­aana si weyn loo ad­keeyey amaanka masaa­jidka Is­ba­heysiga.

Ci­idamo aad u hubeysan oo ka tir­san dowlada So­ma­lia ayaa xi­ray wadooyinka soo gala Masaa­jidka Is­ba­heysiga il­laa xarunta madax­tooy­ada dalka oo masaafo gaa­ban isku jira.

Sidoo kale, ci­idamada nabad sug­ida ayaa dhowr meelood oo masaa­jidka is­ba­heysiga ba­naanki­isa ah si adag ugu baarayey dad­wey­naha ku qulqulayey gu­daha masaa­jidka, wax­aana sidoo kale ha­reer­aha masaa­jidka ilaalo adag ka hayey ci­idamada Mi­d­owga Afrika ee AMI­SOM.

Xafi­isk