AF-SOOMAALI

Ra’i­isal wasaare Soomaaliya oo xilka ka qaa­day Wasi­irkii Waxbarashada


Wa­reegto ka soo bax­day xafi­iska ra’i­isal wasaaraha xuku­umadda Soomaaliya Cali Khayre maanta oo ay Taari­ikhda ku bee­gan tahay 26ka July 2018 waxaa xilkii Wasi­irka Wasaaradda Wax-barashada looga qaa­day Cab­di­rax­maan Daahir Cis­maan.

Wa­reeg­tadan ka soo bax­day xafi­iska ra’i­isal wasaaraha ayaa lagu shee­gay in uu xilka wasaaradda si KMG u soo heyn doono Wasi­iru- dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cab­di­rax­maan Max­a­m­uud Cab­dulle Jaabir.

Ku simaha Wasi­irka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda War­faafinta, Dhaqanka iyo Dalxi­iska Soomaaliya Aadan Isx­aaq Ali ayaa War­baahinta u akhriyay wa­reeg­tada xil ka qaadista.

Xil ka qaadista ayaa imaneysa xili maal­in­tii sha­lay Wasi­irka uu ka shee­gay war­baahinta in uu­san aqoon­saneyn dhamaan Jaa­macadaha dalka oo ay ku jirto xi­taa Jaaa­macada Um­madda Soomaaliy­eed.