AF-SOOMAALI

Ra’i­isal wasaare Kheyre oo shaqo joo­jin ku sameeyay wasiir ku-xigeen ka tir­san xuku­umadda


Ra’i­isul Wasaaraha Xuku­umadda Soomaaliya Xas­san Cali Kheyre ayaa shaqo joo­jin ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganac­siga iyo War­shadaha xuku­madda Soomaaliya Max’ed Khaliif Di­iriye

Qo­raal ka soo baxay xafi­iska ra’i­isal wasaaraha xuku­umadda Soomaaliya ayaa waxaa la ogey-si­iyay wasi­irka iyo Wasi­iru dowlaha ganac­siga Soomaaliya, iyo Madaxwey­naha Soomaaliya Max­amed C/​laahi Max­amed Far­majo.

Shaqo joo­jinta lagu sameeyay Wasi­irkux­igeenka Wasaaradda Ganac­siga iyo War­shadaha xuku­madda Soomaaliya ayaa waxa ay ka dambeysay kadib soo jeedin ka timid xeer ilaal­inta guud ee Qaranka.

Ma cadda sababta ras­miga ah ee ka dambeysa shaqo joo­jin­tan lagu sameeyay Wasi­irku xigeenka Wasaaradda Ganac­siga Soomaaliya.

Xafi­isyada xeer ilaal­inta iyo hanti-dhawrka ayaa ayaa ho­ray u shee­gay in aysan jirin doonin cid loo ca­fi­nayo ar­rimaha la xiri­ira musuq­maa­suqa.