AF-SOOMAALI

Ra’i­i­isal wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray ma­g­a­al­ada Muqdisho


Waxaa goor dhaw ga­roonka diyaaradaha ma­g­a­al­ada Muqdisho soo caga dhi­gatay diyaarada si­day wafdi bal­laaran oo uu hog­gaam­i­nayo ra’i­isal wasaaraha dalka Itoobiya Itoobiya Abiy Axmed,oo markii ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya tan iyo in­tii la door­tay.

Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxwey­naha Jamhu­uriyadda Soomaaliya mu­dane Max­amed C/​llaahi Far­maajo ayaa ku soo dhaweeyey ga­roonka diyaaradaha ee ma­g­a­al­ada Muqdisho.

Waxaa salaan sharaf ka qaa­teen ci­idamada Bam­bayda,iyadoo si di­iran loo soo dhaweeyey rai­isul wasaaraha Itoobiya oo markii ugu horeysay booqasho rasmi ah ku yi­maada Soomaaliya

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu ra’i­isal wasaare Abiy ku yi­mado ma­g­a­al­ada Muqdisho iyo tan markii xilkan loo door­tay.