AF-SOOMAALI

Qodobo Hord­hac ah oo ka­soo baxay shirkii Gud­diyada Farsamo ee Wadda Hadal­ada So­ma­liland iyo Soomaaliya


Shirkii wada-hadal­ada So­ma­liland iyo Soomaaliya ee ka soc­day Wad­danka Jabuuti ayaa caawa labadii dhinac ku kala sax­e­exdeen waxa loo yaqaan Min­utes-ka, kaasi oo ah is af­garad hord­hac ah oo labada dhi­nacba isla qaa­teen.

Sidoo kale waxay sheegeen in laysla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Sad­dex guddi hoosaadyada oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi, Wax­aana ka mida qod­abadaa uu War­baahinta u akhriyey Shir­gu­doonka Shirka oo ah Wasi­irka Ar­rimaha Dibada ee Jabuuti.

Waxay kala yi­hiin qodobada.

1. Sidii loo sii wadi la­haa shi­rarka mus­taqbalka si qu­rux badan oo hadaf xan­baarsan

2. Sidii dib loogu dhisi la­haa Kalsooni­dii labada dhinac.

3. Sidii loo meel marin la­haa qodobadii lagu hes­hi­iyey shi­rarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaal­mooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gar­gaarada Bani-aadamn­imo, wax­aana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri­doona muddo shan iyo to­ban cisho (15) ka dib ah, kuna shiri­doona wad­danka Jabuuti.

4. Waxaa ay labada dhincba soo saa­reen guddi ka wada xaa­joon doona Ar­rimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo to­ban cisho ah ku shiri­doona wad­danka Jabuuti.

5. Waxaa ay labada dhi­nacba soo saa­reen guddi sad­dex­aad oo ka wada shaqayn doona Ar­rimaha nabad-gelyada.

Dham­man Sad­dex­daa guddi shan iyo to­ban cisho ka dib waxay ku kulmi doon­aan Jabuuti, wax­aana lagu ma­g­a­caabay gud­diyadaasi (Tech­ni­cal sub com­ment) Gud­dida guud ee farsamado ee wada-hadal­ada oo lagu ma­g­a­caabo (Join Min­is­te­r­ial Com­ment), wax­aanay 45-cisho ka dib ku kulmi doon­aan Jabuuti si u qi­imeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.