AF-SOOMAALI

Nicholas Kay “Wax­aan ku boori­nayaa Xoogagga Ahlusuna inay ka bax­aan Dhu­usa Ma­reeb, dibna ugu laab­taan….”


Ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud Qara­mada Mi­doobey u qaa­bil­san Soomaaliya Dan­jire Nicholas Kay ayaa walaac ka muu­jiyay xaal­ada Gob­olka Gal­gaduud, gaar ahaan tal­laabadii kooxda Ahlusuna Wal-jameeca kula wa­reegeen deg­mada Dhu­usa Ma­reeb.

War sax­aafadeed ka soo baxay Xafi­iska Dan­jire Kay ayaa lagu shee­gay inuu aad uga walaac­san ya­hay waxa ka dha­caya Dhu­usa Ma­reeb, wax­aana uu ku baaqay in labada dhinac ay xush­meeyaan hes­hi­iskii xabad joo­jinta ee Guriceel lagu saxi­ixay 5-tii bishii Maarso.

“Aad ayaan uga walaac­sana­hay waxa ka dha­caya Dhu­usa Ma­reeb, dhamaan dhi­na­cyadu waa inay xush­meeyaan hes­hi­iskii xab­bad joo­jinta ee Guriceel lagu saxi­ixay bishii March 5teedii” ayuu yiri Nicholas Kay oo ku baaqay in laga baaqsado qalalaase xaal­ad­dana lagu soo celiyo deg­ganaan.

Mr Kay ayaa ugu baaqay Ahlusuna Wal-jameeca inay ka bax­aan Dhu­usa Ma­reeb, isla markaana waxyaabaha jira lagu xaliyo wada hadal.

“Wax­aan ku boor­ri­nayaa xoogagga Ahlusuna Wal-jameeca inay ka laab­taan (Dhu­usama­reeb) oo ay u bax­aan goobi­hii ay ho­ray ugu sug­naay­een, dham­maan kala duwanaan­sha­hana lagu xal­liyo wada-hadal iyo isu-tanaa­sul”ayuu yiri Nicholas Kay.

Er­gayga ayaa tilmaa­may in tal­laabada noocaan oo kale ah ay wax u dhimi karaan ho­ru­mar­rada gob­ol­lada dhexe loogu samey­nayo maa­mulka iyo shirk aka so­conaya Cadaado.

Hadalkan ka soo yeeray Nicholas Kay ayaa ku soo beeg­maya, iyadoo Ahlusuna Axadii la soo dhaafay la wa­reeg­tay Dhu­usa Ma­reeb, wax­aana ci­idankii dowladda ay u cara­reen dhanka deg­mada Cadaado oo uu ka socdo shirka maa­mul u sameynta Gob­ol­lada Mudug iyo Gal­gaduud.