AF-SOOMAALI

Nicholas KAY: Shirka Mi­d­owga Afrika Waxaa looga Doo­day Nabad ka Dha­lata Soomaaliya –


Er­gayga QM u Qaa­bil­san Ar­rimaha So­ma­lia, Nicholas Kay oo ka Qayb-galay Shirka 25-aad ee Mi­d­owga Afrika uga socda Jo­han­nes­burg ayaa shee­gay in shirka looga had­lay Ar­rimaha Haweenka Soomaaliya, iyadoo in­taa ku daray in xil­liyadii u dambeeyay ay sii Kor-dhayso xoo­jita Awoodda Haweenka Soomaaliy­eed, sida ka Qayb-galka siyaasadda iyo ho­ru­mar­rada dalka ka socda.

Dan­jire Kay ayaa sidoo kale xusay in Ajan­daha ugu weyn ee looga had­layay Shirka 25-aad ee Mi­d­owga Afrika ee ka socda Koon­fur Afrika ay ahayd sidii loo Xoo­jin la­haa Nabadda iyo Am­maanka Soomaaliya loo Xoo­jin la­haa, loogana Taageeri la­haa Xuku­umadda dib u dhiska Ci­idamada Xoogga Dalka Soomaaliy­eed; taa­soo Sahli karta in la baabi’iyo kooxda Ar­gag­ix­isada ah ee Al-shabaab.

Sidoo kale, er­gaygu wuxuu xusay inay jiro rajo badan oo Nabadda iyo Am­maanka So­ma­lia laga gaaro, is­a­goo in­taas ku daray inay muhiim u tahay dalalka Bariga Afrika in wax badan laga qabto xas­il­looni ku­soo dabaalidda Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa shee­gay in madaxweyne Xasan Sh. Max­a­m­uud uu haatan ku sugan ya­hay Shirka uuna soo band­higi doono wixii laga qab­tay So­ma­lia sida ho­ru­marka ay haatan Dowladda Soomaaliya ku tal­laab­sa­tay, Sidoo kalana uu Ar­rimaha Nabadda iyo Am­niga So­ma­lia kala hadli doono madaxda kala duwan ee ka socda dalalka Afrika.

“Madaxda iyo Xild­hibaan­nada So­ma­lia waxay haatan ku mashquul­san yi­hiin sidii marka la gaaro Au­gust 2016-ka ay dalka u Qab­soomi la­hayd Doorasho Qof iyo Cod ah, Wax­aanan u ra­jey­nayaa dadka Soomaaliy­eed in sanad­kaas uu u no­qon doono mid du­muquraadiyadeed.”

Dhanka kale, Wux­u­una in­taas ku daray in in Howlaha Fed­er­aalka ee So­ma­lia iyo dhis­maha Maa­mul­lada Gob­ol­lada So­ma­lia ay si xowli ah u soc­daan taa­soo ka Qayb-qaadan karta ka miro-dhal­inta doorasho So­ma­lia ka dhacda San­nadka 2016-ka.

Ugu dambeyn, Shirka Mi­d­owga Afrika uga Socda Ma­g­a­al­ada Jo­han­nes­burg ayaa Waxaa Ajandi­hi­isa ugu weyn uu ya­hay Ar­rimaha Xoo­jinta iyo Ho­ru­mar­inta Haweenka Qaaradda Afrika iyo sidii Dalalka ay Co­laaduhu ka ji­raan oo ay So­ma­lia ka mid tahay looga Gacan-siin la­haa sidii looga baabi’in la­haa Xad-gudubyada Haweenka loo Geysto ayna ka Qayb-qaataan Siyaasada iyo Maa­mulka Wad­damadooda