AF-SOOMAALI musharixiinta madaxweyne ee ilaa iyo hadda is diiwaangaliyay Published 10 years ago Dr Munye10y ago Xarunta Villa Hargeysa waxaa siweyn uga soctay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaana ilaa iyo hadda la diiwaangaliyay 12 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Maalinta beri ah ayaa la filayaa galinka danbe in la soo gabagabeeyo diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha sida ku qoran jadwalka doorashada ay soo saareen gudiga qaban-qaabada. Musharixiinta iliaa iyo hadda is diiwaangaliyay ayaa waxaa ka mid ah : Sheekh Shariif Sheekh Axmed Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. Cabdiqaadir Cosoble Cali. Maxamuud Maxamed Culusow. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. C/naasir Cabdulle Maxamed. Bashiir Raagge Shiiraar Amb. Maxamed Cali Ameeriko Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Jabriil Ibraahim Cabdulle C/raxmaan C/shakuur Warsame Xasan Sheekh Maxamuud Guddiga doorashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in isdiwaan gelinta Musharaxiinta ay u socoto si wanaagsan, islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loogu tala galay oo ah maalinta beri ah . WhatsApp Facebook Twitter/X Email