AF-SOOMAALI

Mukhtaar Roo­boow oo shaaciyay in uu ya­hay musharax u taa­gan xilka madaxwey­naha Koon­fur Gal­beed


Mukhtaar Roo­boow Cali Abuu- Man­suur oo gaaray ma­g­a­al­ada Bay­d­habo ee xarunta gob­olka Baay ayaa ku dhawaaqay in uu ya­hay musharax u taa­gan xilka madaxwey­naha maa­mulka Koon­fur Gal­beed Soomaaliya..

Roo­boow ayaa shee­gay in go’aankan uu qaatay ee ah in uu isku soo taago qabashada xilka madaxwey­naha maa­mulka Koon­fur Gal­beed ka dan­beysay codsi sida uu hadalka u dhi­gay ay u soo jeediy­eed qaar ka mid ah dadka reer Koon­fur Gal­beed.

Bay­d­habo waxaa ka so­conaya shi­rar iyo ku­lamo kala duwan oo ay halkaa kula leey­i­hiin qey­baha bul­shada mushar­ixi­inta u tar­tameysa xilka madaxwey­naha maa­mulka Koon­fur Gal­beed dabayaaqada sanad­kan.

Dad­weyni­hii soo dhaweyn­ti­isa isugu soo baxay ayuu u shee­gay sababta uu isku soo sharaxay inay ka dambeysay kadib markii uu codsi uga yimid dad badan oo ka soo jeeda de­gaanada maa­mulka Koon­fur Gal­beed.

Dadka taageer­san Roo­boow ayaa marka aad la sheekeysato waxaa ay kuu shee­gayaan in ay u arkaan shaqsi waqti­gan adag maa­mulka Koon­fur Gal­beed hog­gaamin kara, gaar ahaan da­gaalka ka dhanka Al-shabaab oo ay Roo­boow u arkaan in uu ya­hay qof kaliya ee ku gu­u­leysan kara madaama uu ho­ray uga mid ahaa saraaki­isha sar sare ee Ururkaas.