AF-SOOMAALI

Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo oo sheegay inay Wadahadal la Fureen Maamulka Somaliland


Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo ayaa si buuxda u shaaciyey inay Wadahadallo la billaabeen Somaliland, kaddib kulan Dhex-maray Wasiirro ka Tirsan labadaan maamul Todobaadkii lasoo dhaafnay, kaasoo ka dhacay oo ka dhacay magaalada Caynabo ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in ay dan u tahay Wada-hadal dhexmara labada maamul, taasoo uu sheegay in ay sidoo kale dani ugu jirto dalalka Afrikada Bari.

Prof. Galaydh mar uu ka hadlayey Dawladda Somalia ayuu yiri. “Dhibaatadda Maamulka Xamar ma ahan mid gaar inoo ah, laakiinse kuwa Muqdisho ayay saameynaysaa, waana rabaa inaan xusuusiyo inaanu u dhimanaynay hadana anagaa u istaagayna,”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray, inaanu ilowsanayn dhibaatadii sida uu yiri ay ciidamada Somaliland u geysteen shacabka Khaatumo, isagoo ku soo gaba-gabeeyay inuu ku farasan yahay Wada-hadallada Somaliland ay la yeelanayaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo, Maxamuud Sh. Cumar “Surayo” oo isgauna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Wada-hadallada lala billaabay Somaliland ay yihiin kuwo muhiim u ah Danaha Bulshada.

“Warkii aan 05-tii Bishaan ugu yeeray Baarlamaanka wuxuu ahaa mid aan ku dajinayay bulshada oo kacsanayd,” ayuu yidhi Surayo isagoo intaas ku daray inuusan jirin wax kal-fadhi ah oo la isugu imaanayo.

Xubnihii ka Qayb-galay Shirkii Caynabo oo ay ka mid ahaayeen; Keyse Cabdi Yuusuf Wasiirka Amniga, Maxamuud Ismaaciil Shabac Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Xubno kale oo odayaal iyo Qurbo-joog isugu jiray ayaa waxay si Dahsoon uga hadleen Kulankii ay la yeesheen maamulka Somaliland, inuu dan u yahay bulshadana waa ay ku gaabsadeen; iyagoo aan xusin wax ka mid ah Qodobadii lagu heshiiyay.

Dhinaca kale, Saraakiisha ciidamada degmada Buuhoodle oo ah kuwo iskood isku xukuma ayaa War-saxaafadeed ay qabteen ku sheegay in Prof. Galeydh iyo Maamulkiisu ay ka baxaan Buuhoodle, iyagoo sheegay in aanay Qaadan karin heshiis lala galo Somaliland.

Ugu dambeyn, Heshiiskan ayaa daba socdey wadahadalo heerar kala duwan ahaa oo Somaliland xukuumada haatan ka talisaa ay ku doonaysey inay ku gaadho dhulkii isticmaarka Ingiriisku ka gumeysan jiray Somalia, Waxaase la eegi doonaa Wadahadallo dhawr waji ah oo furan sida uu u noqdo mid taabagal ah.