AF-SOOMAALI

Marxuum Wasiir Siraaji oo aas Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho


Meydka wasiirkii howlaha guud ee xukuumada Soomaaliya marxuum Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay Muqdisho ayaa si heer Qaran ah loogu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeyb galay madaxda ugu sareysa dowlada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Madax kale ayaa salaadda Janaasada kula dukaday Masaajid ku yaalla Madaxtooyada Soomaaliya ALLAHA u naxariistee Marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud.

Intaas ka dib qabuure ku yaalla isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa lagu aasay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Aaska Marxuumka waxaa ka qaybgalay Qaar ka mid ah Madaxda Qaranka oo uu ka mid yahay Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay aaska ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqatay tiiraanyo fara badan iyo murugo, waxaana meydka marxuumka ka hor intaan la aasin janaaso labaad lagula tukaday qabuuraha agtiisa.

Madaxda Qaranka ayaa Alle uga baryay inuu Naxariistii Jano uu siiyo marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud, Waxaana sidoo kale Madaxda Qaranka ay Tacsi u direen Qoyska marxuumka iyo Shacabka Soomaaliyeed.