AF-SOOMAALI

Mareykanka oo taageeray go’aankii Aqalka sare ee Soomaaliya


War qo­raal ah oo ka­soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu taageeray hadalkii dhowaan ka­soo baxay Gud­doomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ee ahaa in ku­lan deg deg ah oo looga ar­rin­sanayo xaal­adda dalka iyo kala gu­urka siyaasadeed.

Mareykanka ayaa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto ku­lan madaxda maa­mul go­b­ileedyada dalka ay qeyb ka yi­hiin.

“Das­tu­urka Soomaaliya ayaa dhi­gaya in madaxda dowladda iyo madaxwey­nayaasha maa­mul Gob­oleedyada ay kul­maan ugu yaraan hal mar sanad­kii ” ayaa lagu yiri warkaan ka­soo baxay Mareykanka.

Qaar kamid ah Maa­mul Gob­oleedyada dalka ayaa soo dhoweeyay hadalka ka­soo baxay Aqalka sare ee Baar­la­manka Soomaaliya, balse ma ji­raan il­laa iyo hadda war ka­soo baxay dowladda oo ku aad­dan baaqaan Mareykanka uu­soo jeediyay iyo hadalkii uu soo saaray Aqalka sare ee ila ar­rin­taan la xiri­iray.