AF-SOOMAALI

Mareykanka oo si rasmi ah u shaaciyay 132 qof oo ku dhin­tay duqeymaha uu ka fuliyay Soomaaliya iyo wadamo kale


Howl­gal­lada mi­latariga Mareykanka ee ka socda afar dal il­laa sanad­kii 2019 waxaa ku dhin­tay 132 qof oo rayid ah, sida lagu shee­gay war­bixin ay soo saar­tay Pen­ta­gon.

In­taa waxaa u dheer, 91 qof oo rayid ah ayaa lagu dhaawa­cay hawl­gal­lada ka socda Ciraaq, Su­uriya, Af­gaanistaan iyo Soomaaliya, sida lagu shee­gay war­bixin san­nadeedka Wasaaradda Di­faaca ee ku saab­san khasaaraha rayidka ee la xiri­ira hawl­gal­lada Mareykanka.

“Qi­imeynta waaxda di­faaca Maraykanka ma aysan aqoon­sanin wax khasaare ah oo rayid ah oo ka dhashay howl­gal­ada mil­i­tariga Mareykanka ee Yemen iyo Li­ibiya sanadka 2019,” ayaa lagu yiri war­bix­inta.

Dham­maan hawl­gal­lada Mi­latari ee Maraykanka ee san­nadka 2019 waxaa loo fuliyay si waafaqsan shar­ciga shu­ru­u­daha da­gaalka, oo ay ku ji­raan shar­ciga ilaal­inta dadka rayidka ah si loo ya­reeyo hal­ista waxy­eel­lada, ”ayaa lagu yiri war­bix­inta.

Sida war­bix­inta lagu shee­gay, khasaaraha ugu badan ee rayid ayaa ka dha­cay Afghanistan, iyadoo 108 ay ku dhin­teen 75 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 22 qof oo rayid ah ayaa lagu di­lay 13 kalena waa lagu dhaawa­cay Ciraaq iyo Si­iriya, halka laba qof lagu di­ley sad­dexna lagu dhaawa­cay Soomaaliya.