AF-SOOMAALI

Madaxweyne Xasan oo Wafdi ka socda Jarmalka uga Warramay Doorashada 2016-ka


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hogaaminayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Jarmalka ugu qaabilsan Arrimaha dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Danjire Georg Schmidt.

Xasan Sheekh iyo wafdiga ayaa ka wadahadlay xiriirka labada waddan, arrimaha doorashada Somalia, dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Somalia, amniga gobolka, Qaxootiga Soomaalida ee la doonayo in dib Somalia loogu soo celiyo iyo Sidii loo soo nooleyn lahaa is-kaashiga Machadyada Mihnadaha laga barto si ay uga faa’iideystaan Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wafdiga Jarmalka ah wuxuu ka codsaday inay salaam ka Gaarsiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, Dowladda iyo Shacabka Dalka Jarmalka.

Dhanka kale, Danjire Schmidt oo isna soo dhaweeyay horumarka Somalia ay ku Tallaabsatay ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Somalia ay cagaheeda dib isku taagi doonto, Beesha Caalamka oo Jarmalka ay ka mid tahayna ay doorkooda ka cayaari doonaan.

Ugu dambeyntii, Kulankaan oo kusoo beegmay, xili shalay la shaaciyay Jadwalka ku saabsan sida ay doorashada dalka ee Sannadkaan 2016-ka u dhici doonto ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada Dowladood.