GLOBAL NEWS

Madaxweyne Si­ilaanyo oo Xilkii ka Qaa­day Gu­doomiy­i­hii Maxka­mada Sare ee So­ma­liland


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Madaxwey­naha So­ma­liland Axmed Max­amed Si­ilaanyo ayaa xalay xilkii ka qaa­day gud­doomiy­i­hiii maxka­madda sare ee So­ma­liland, Dr. Yu­usuf Is­maaci­iil Cali.

Silaanyo ayaa xil ka qaadis­taasi ku sababeeyey inay cabashooyin badan ka yi­maadeen gud­didd cadaal­add,isla markaana lagu eedeeyey inuu shaqadi­isii ka soo bixi waayey.

“Madaxwey­naha So­ma­liland, Mu­dane. Axmed Max­amed Silaanyo waxa uu di­greeto madaxweyne oo sum­madeedu tahay JSL/​M/​XERM/​249-3197/​042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaa­day Gud­doomiy­i­hii Maxka­madda Sare, is­aga oo madaxweynuhu dib ka soo ma­g­a­caabi doona ma­su­ulkii bu­uxin la­haa gu­doomiyen­i­mada.”ayaa lagu yidhi war-sax­aafadeed ka soo baxay xafi­iska madaxwey­naha.