AF-SOOMAALI

Madaxweyne Far­maajo oo u ma­g­a­caabay gud­doomiye cusub maxka­mada sare ee dalka


Madaxwey­naha Jamhu­uriyadda Fed­er­aalka Soomaaliya Mu­dane Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gud­doomiyaha max­aka­madda Sare ee dalka Mu­dane Ibraahim Iidle Su­ley­maan, waxaa uuna xilkaas u ma­g­a­caabay Garyaqaan Baashe Yu­usuf Axmed.

Madaxwey­naha oo tix­gali­naya cabashada muwaa­dini­inta Soomaaliy­eed, gar­soorayaasha, hawl-wadeen­nada gar­soorka iyo xir­fadleyaasha shar­ciga ee la xiri­ira in la helo gar­soor hu­fan oo cad­daalad ah, ayaa go’aansa­day in dib u habeyn bal­laaran lagu sameeyo hay’adaha gar­soorka si muwaa­dini­inta Soomaaliy­eed ay u helaan gar­soor hu­fan oo la isku hal­leyn karo.

“Aniga oo ka jawaabaya bal­lan qaad­key­gii ahaa in la helo nidaam gar­soor oo ku dhisan huf­naan iyo cad­daalad, wax­aan maanta xilka Gud­doomiyaha Maxka­madda Sare ee dalka u ma­g­a­caabay Baashe Yu­usuf Axmed. Wax­aan Gud­doomiyaha cusub u ra­jey­nayaa inuu ka­soo dha­laalo hawlaha loo ig­ma­day.” ayuu yiri Madaxwey­naha.

Madaxweyne Far­maajo ayaa faray Go­laha Sha­cabka iyo Xuku­umadda in ay soo dhamey­sti­raan Go­laha Adeegga Gar­soorka, lana waafa­jiyo das­tu­urka ku-meel-gaarka ah iyo shar­ciga dhis­maha go­laha adeegga gar­soorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha gar­soorka dalka.

Gud­doomiyaha cusub ee maxka­madda sare ayaa leh aqoon du­rugsan oo dhanka shar­ciga ah, waxa uuna hore usoo no­q­day qa­reen, cilmi-baare sharci iyo la taliye sharci.

Madaxweyne Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ayaa uga ma­had­celiyay gud­doomiy­i­hii hore ee maxka­madda sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Su­ley­maan shaqadii uu usoo qab­tay qaranka, wux­u­una u ra­jeeyay mus­taqbal wanaagsan.