AF-SOOMAALI

Madaxweyne Far­maajo oo ma­g­a­caabay taliyayaal ci­idan iyo agaasimaha guud ee madax­tooy­ada


Madax-wey­naha dowladda Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ayaa ma­g­a­caabay taliyayaal ci­idan iyo wal­iba Agaasimaha guud ee madax­tooy­ada Soomaaliya.

Madaxweyne Far­maajo ayaa xilkii ka qaa­day taliy­i­hii ci­idamada xoogga dalka Soomaaliy­eed Jen Cab­di­Wali Xusseen Gorad, wax­aanan xilkan loo ma­g­a­caabay Daahir Aadan Cilmi.

Fa­had Yaasiin oo ho­ray u ahaa agaasimaha guud ee madax­tooy­ada ayaa hadda no­qon­aya ku-xigeenka taliyaha hay’adda sir­doonka Qaranka, halka agaasimaha guud ee madax­tooy­ada loo ma­g­a­caabay Dr. Aam­ina Siciid Cali

Hoose ka akhriso ma­g­a­cyada xub­naha la ma­g­a­caabay iyo kuwa xi­lalka qaa­day :

  1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
  2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallac-siiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  4. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  5. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  6. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018a waxaa uu Madaxweynuhu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  7. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
  8. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
  9. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.