AF-SOOMAALI

Madaxweyne Far­maajo oo la Ci­i­day cu­tubyo ka tir­san Ci­idanka Xoogga dalka


Madaxwey­naha Jamhu­uriyadda Fed­er­aalka Soomaaliya Mu­dane Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ayaa maanta farx­adda mu­naasabadda ci­idda la qaatay Gu­u­tada 14ka Ok­too­bar ee Ci­idanka Xoogga Dalka Soomaaliy­eed, is­aga oo salaadda ci­idda kula tuka­day Dugisga Tabo­barka ee Ja­naraal Go­or­dan.

Salaad­dii ci­idda ked­dib, Madaxweynuhu waxa uu u ku­ur­galay xaal­adda dugsiga, is­aga oo ko­rmeeray hawlaha tabo­barka ci­idamada ee ka socda, halkaas oo uu war­bix­inno kaga dha­gaystay saraaki­isha tabo­barka iyo maa­mulka dugsiga.

Madaxweyne Far­maajo ayaa inta uu ku sug­naa Ja­naraal Go­or­dan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhi­ir­rigeli­nayo Ci­idanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cu­tubyo ka tir­san Gu­u­tada 14-ka Ok­too­bar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tir­san Ci­idanka Xoogga Dalka Soomaaliy­eed.

Mu­naasabaddu in­tii ay so­co­tay waxa goobta lagu soo band­hi­gay su­u­gaan iyo ruwaayado lagu dhi­ir­rigeli­nayo Ci­idanka Xoogga Dalka oo ay soo band­hig­tay kooxda Horseed ee CXDS.

Gebo­gabadii waxaa goobta ka had­lay Taliyaha Ci­idanka Xoogga Dalka Ja­naraal Cab­duwali Jaa­mac Gorod oo Madaxwey­naha uga warxbiyey dadaal­lada lagu ho­ru­mari­nayo dhis­maha Ci­idanka Xoogga Dalka Soomaaliy­eed.

Madaxweynuhu waxa uu ci­idanka ugu ham­ba­ly­eeyey mu­naasabadda Ci­idul Adxaa, is­aga oo si faah­faah­san uga had­lay muhi­imadda uu ci­idanku u leeya­hay dib u soo noolaynta dawlad­ni­mada Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in koox­aha ar­ga­gax­isada ahi ay yi­hiin shishe­eye ku soo du­u­lay Soomaaliya oo u taa­gan gumeynta iyo gu­maysiga sha­cabka Soomaaliy­eed, iyaga oo ugu soo gab­banaya di­inta Is­laamka.

Dhanka kale, Madaxweyne Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tir­sanaa Gu­u­tada 14ka Ok­too­bar oo ku shahi­i­day hawl­gal­ladii ay Ci­idamada Xoogga Dalka kaga sifeey­een AL-Shabaab dee­gaanno hoos yi­maada Deg­mada Marka ee Gob­olka Shabeel­laha Hoose.