AF-SOOMAALI

Madaxweyne Far­maajo oo ka tac­siy­eeyay saraaki­ishii iyo askar­tii ku geeriy­ootay qaraxii Dhanaane


Madaxwey­naha dowladda Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ayaa ka tac­siy­eeyay geerida ku timid Taliy­i­hii, Abaan­du­uli­hii iyo askar ka tir­san Qaybta 12-ka Abriil ee ci­idamada xoogga dalka Soomaaliy­eed kuwaas oo ay mi­ino dhulka lagu aasay kula qarax­day meel u dhaw dee­gaanka Dhanaane ee Gob­olka Shabeel­laha Hoose.

In­naa Lil­laahi Wa In­naa Ileyhi Raa­jicuun. Ani­goo ku had­laya ma­g­aca Jamhu­uriyadda Fed­er­aalka Soomaaliya iyo kay­gaba, wax­aan ti­iraanyada la qayb­sanayaa qoyskii, ehel­ladii iyo sha­cabka Soomaaliy­eed ee ay ka geeriy­ood­een taliy­i­hii Qaybta 12-ka Abriil Marx­uum Ja­naraal Cumar Aadan Xas­san (Cumar Dheere), Abaan­du­uli­hi­isii Marx­uum Ja­naraal Cabdi Cali Ja­maame iyo askar­tii kale la geeriy­ootay.”

“Labada Janan iyo askar­tii kale ee ku shahi­id­day qaraxan waxay waqti­goodii iyo naftood­i­iba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, wax­ayna dadaal badan galiy­een sidii Soomaaliya looga sifeyn la­haa koox­aha ar­gag­ix­isada ah.

“Wad­dani-yi­in­tan naftood-hu­rayaasha ah waxaa lagu xa­s­u­u­san doonaa kaal­in­tii ay ka geysteen xoreynta dee­gaanno badan oo hoos yi­maadda Gob­olka Shabeel­laha Hoose.” Ayuu yiri Madaxwey­naha.

Madaxweyne Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo ayaa labada Janan iyo askar­tii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxari­is­tii Jan­natul Far­dowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehel­ladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka si­iyo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheeg­tay mas’u­uliyadda qarax mi­ino oo maanta ay la eeg­teen gaari ay la socdeen Taliyaha qeybta 12-ka April iyo Abaan­du­u­laha Qeybta, aga­gaarka dee­gaanka Dhanaane ee duleedka Koo­fureed Muqdisho.