AF-SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xil ka qaadistii Hanti Dhowrkii guud ee Qaranka


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa aqbalay xil ka qaadistii Hanti Dhowrkii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaalle, waxaana uu xeer madaxweyne ku soo saaray xil ka qaadista.

Xeerka madaxweynaha ayaa si rasmi ah xilka looga qaaday Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, oo kulan ay xalay yeesheen gollaha wasiirada la sheegay in xilka looga qaaday.

Hasse ahaatee Hanti Dhowraha ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadista golaha wasiirada, isagoo sheegay in aqlabiyada gollaha baarlamaanka iyo xeer madaxweynaha oo kaliya uu xilkiisa ku weyn karo.

Hanti dhowrka Guud ayaa sidoo kale sheegay in xil ka qaadistan ay tahay mid siyaasadeysan, madaama uu horay uga hadlay sharciyo uu ku xadgudbay ra’iisul wasaaraha oo ku aadan maamulka miisaaniyadda.

Aritan ayaa saacadihii ugu danbeeyay aheyd hadal heynta ugu weyn marka la eego siyaasada dowladda Soomaaliya kaddib dilkii wasiirkii howlaha guud.