AF-SOOMAALI

Madaxweyne Far­maajo iyo wafdi uu horka­cayo oo gaaray dalka Jabuuti


Madaxwey­naha dowladda Soomaaliya Max­amed C/​llaahi Far­maajo iyo wafdi uu hog­gaam­i­nayo ka de­gay goor dhaw ma­g­a­al­ada Jabuuti ee Jamhu­uriyadda dalka Jabuuti.

Madaxwey­naha iyo wafdiga uu horka­cayo oo saakay ka an­babaxay ma­g­a­al­ada Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyay ga­roonka diyaaradaha Jabuuti.

Soc­daalka Madaxweyne Far­maajo ee Jabuuti ayaa salka ku haya xoo­jinta xiri­irka labada dal, iyo ar­rinta xi­isada di­blo­maasiyadeed ee ka dha­latay sa­farkii uu ku tagay Er­itrea.

Madaxweyne Far­maajo ayaa la kul­maya dhig­gi­isa Jabuuti, iya­goo ka wada had­laya ar­rinta gob­olka Geeska Afrika iyo is be­de­lada u dambeeyay ee ka dha­cay.

Dowladda Soomaaliya ayaa la shee­gay in ay dadaal u gali doonto sidii loo soo af­jari la­haa khi­laafka dowlad­daha Jabuuti iyo Er­tirea, wax­aana soc­daalka madaxwey­nah uu imanaya iyadoo dhawaan ma­g­a­al­ada Muqdisho ay soo gaa­reen wafdi ka soc­day dalka Er­itrea.

Jabuuti ayaa dhowaan walaac ka muu­jisay hadal Madaxweyne Far­maajo ka jeediyay As­mara oo ahaa in cu­naqa­bateynta laga qaado Er­itrea.