AF-SOOMAALI

Madaxweyne Far­maajo iyo Ra’i­isal wasaare Abiy oo gaaray hes­hiis dhi­na­cyo badan taa­banaya


Booqasho aan la sii shaacin ayuu sub­axn­i­madii hore ee saakay ku yimid ma­g­a­al­ada Muqdisho ra’i­isal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, wax­aana si di­iran ugu soo dhaweeyay ga­roonka diyaaradaha Aadan Cadde madaxwey­naha Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo.

Ku­lan al­baabada u xir­naay­een oo ay galleen labada mas’uul ay­eey ugu dan­beyn­tii war­baahinta la wadaageen qodob dhowr ah oo ay ku hes­hi­iy­een, wax­aana qodobada xi­taa ku jira in labada dal yee­shaan is-dhax­gal bul­sho.

Laakiin hes­hi­iskan ayaa marka la eego waxaa ugu xas­aa­sisanaa in labada dowladood isku af­gar­teen maal­gashiga ilaa Afar deke­dood iyo dhis­maha Wadooyin Laami ah.

Itoobiya waxaa ay ho­ray qeyb uga aheyd hes­hi­iskii mu­ranka badan dhaliyay ee shirkadda DP­World kula wa­reeg­tay dekedda Berbera, wax­aana hes­hi­iskaa si cad ugu gacan –seyr­tay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Far­maajo ayaa amaanay dadaalka ci­idamadda nabad il­laal­inta Afrika ee AMI­SOM oo ay qeyb ka yi­hiin ci­idamada Itoobiya is­aga oo yiri”Ani­goo ku had­laya ma­g­aca sha­cabka Soomaaliy­eed iyo dowladda,wax­aan kugu soo dhawey­naya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wada­gana taari­ikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoo­ji­naysa xiri­irka naga dhex­eeya,ma­ji­raan wax kala qey­bin kale walaal­tin­i­mada labada dal,waa waa­jib ina saran in aan xaqi­iji­nayo nabadda iyo ho­ru­marka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bul­sho,wax­aan doon­ayaa in aan halkani ugu ma­had­celiyo ci­idamada mil­i­tariga ee dalka­aga sida ay naftooda in­oogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cad­owga Al­shabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan Gob­olka” ayuu yiri madaxweyne Far­maajo.

Qodobka 12-aad ee hes­hi­iska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si bu­uxdo ugu hes­hi­iy­een in midba midka kale uu xush­meeyo madaxbanaanida, qaran­i­mada iyo xorn­i­mada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoo­jin la­haa mid­ni­mada Soomaaliya.

Marka aad u sii fi­ir­sato qodobada ku jira hes­hi­iska waxaa kuu muqanaya in uu ahaa mid kol horeba laga sii shaqeeyay, laakiin shirka jaraa’id ee labada Hogaamiye lagu tilmaami karo oo kaliya band­higga hes­hi­iska.

Ra’i­isal wasaaraha Soomaaliya Xas­san Cali Kheyre iyo wafdi uu horka­cayo ayaa ho­ray u booq­day ma­g­a­al­ada Ad­dis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga ra’i­isal wasaare Abiy ayaa isla maantaba dib ugu laab­tay ma­g­a­al­ada Ad­dis Ababa ee dalka Itoobiya.