AF-SOOMAALI

Madaxwey­naha Soomaaliya oo ka had­lay hes­hi­iskii Itoobiya


Madaxwey­naha dowladda Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo oo wareysi gaar ah si­inayay TV Qaranka ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheer­aad ah ka bixiyay hes­hi­iskii ay wada-gaa­reen Sab­tidii aynu soo dhaaf­nay ra’i­isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Muqdisho booqasho ku yimid.

Madaxweyne Far­maajo ayaa shee­gay in asalka hes­hi­iska labada dowladood ahaa mid sa­ley­naa iskaashi, is-ix­ti­raan iyo ilaal­inta Qaran­ni­mada, mid­ni­mada iyo madaxbanaan­nida labada dowladood, is­aga oo bo­gaadiyay sa­farkii uu ra’i­isal wasaare Abiy ku yimid Soomaaliya.

Madaxweyne Far­maajo ayaa shee­gay in Soomaaliya sanadi­hii ugu dan­beeyay wadamada dariska ah iyo guud ahaanba caalamka ay ka wada hadli jireen ar­rimaha Am­niga, hasse ahaa­tee waxaa uu shee­gay in Soomaaliya ay hadda soo gaar­tay heer la­gala hadli karo dhaqaale, iskaashi ganacsi iyo maal-gashi taa­soo qeyb ka aheyd sida uu shee­gay soc­daalkii ra’i­isal wasaaraha Itoobya.

Mar uu soo hadal qaa­day ar­rimaha deked­daha leysku af­gar­tay in la wada-maal­gashado ayuu shee­gay in ar­rin­taa wax weyn ka tari doono kobcinta dhaqaalaha dalka, wax­aana uu in­taa ku dar­ray in Afar deked­dood iyo ka badan ay je­claan la­haay­een in maal-galin lagu sameeyo si loo faa’ideysto ayuu yiri xeebta dheer Soomaaliya ku teed­san oo ay maraan ku­man­naan Maraakiib ah.

Madaxwey­naha waxaa uu mee­sha saaray in wararka shee­gaya in dowladda Soomaaliy­eed ku wa­ree­jisay dowladda Itoobiya Dekeddo Soomaaliy­eed.

‘’Waxaa ji­ray Soomaaliya marka aad eegto dhaqan soo jireen ah oo ah hor­mar walba lu­gaha la qabto, dad­kana ku baahiyo warar aan waxba ka jirin , dekeddo Soomaaliy­eed oo Itoobiya lagu wa­ree­jiyay ma ji­raan Deked­daha Soomaaliya ay­eey ku yaalaan, maal-gashigana dhinac walba ayuu ka iman karaan, caalamka oo dhan ayaa ka qey­bqaadan kara ganac­sa­tada Soomaaliy­eed ayaa ka qey­bqaadan karta, laakiin muhi­imadu waxaa ay tahay Afar Deke­dood oo kaliya ma’aha xi­taa had­dii aan ka badan heli karno wey waagsan tahay, waayo waxaa ay taa qeyb ka qaadan kar­taa kobaca dhaqaala­heena’’ ayuu yiri madaxweyne Far­maajo.

Madaxwey­naha ayaa shee­gay in maal­gashiga uu u sahli karo deked­daha Soomaaliya in ay no­q­daan kuwo la tar­tami kara kuwa caalamka awoodna u yee­lan karaan in ay ku soo xir­taan Maraaki­ibta waaweyn.

Hadalka madaxwey­naha ayaa imanaya xili maalmi­hii ugu dan­beeyay hadal heyn la xiri­irta hes­hi­iska labada dowladood iyo ar­inta ku saab­san deked­daha lagu hes­hi­iyay in la maal­gali­nayo si­weyn dadku iskula dhax­maray­een.