AF-SOOMAALI

Madaxwey­naha cusub ee dowlad dee­gaanka Soomaal­ida oo ka had­lay xaal­ada Cabdi Max­a­m­uud Cumar


Madaxwey­naha cusub ee dowlad dee­gaanka Soomaal­ida Itoobiya Axmed Cabdi Max­amed oo war kooban si­iyay war­baahinta ayaa ka had­lay xaaal­ada madaxwey­naha xilka ka de­gay Cabdi Max­a­m­uud Cumar.

Wuxuu shee­gay in Cabdi Max­a­m­uud Cumar uu badqabo is­la­markaana ku sugan ya­hay sida uu hadalka u dhi­gay ma­g­a­al­ada Jigjiga, wax­aana uu in­taa ku daray in uu wali ya­hay hogaamiyaha xis­biga tal­lada haya ee dowlad dee­gaanka Soomaal­ida Itoobiya.

Cabdi Max­a­m­uud Cumar ayaa galinkii danbe ee maanta ku dhawaaqay in uu xilka ka de­gay, kaddib markii uu soo if­baxay khi­laaf xoog leh oo soo kala dhax-galay maa­mulka uu madaxwey­naha ka ahaa iyo dowladda dhexe ee fed­er­aalka Itoobiya.

Madaxwey­naha cusub ee tal­lada la wa­ree­gay oo ah nin dhalin­yaro ah waxaa uu dhashay 1986 waxaa uu ho­ray u ahaa Wasi­irkii Maaliyada dowlad dee­gaanka is­aga oo waxbarashadi­isa heerka Jaa­macadeedna ku soo kala qaatay ma­g­a­alooyinka Dirir-Dhawa iyo Ba­hardar ee dhulka Is­maa­mulka Itoobiya

Dhi­naca kale ma­g­a­al­ada Ji­jiga ayaa laga maqlay rasaas ay radiy­een ci­idamada dowladda fed­er­aalka Itoobiya ee gu­daha u galay ma­g­a­al­ada kuwaa oo kala er­ayay dad doon­ayay in ay boob –geystaan.