AF-SOOMAALI

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland oo kulamo la leh qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gedo


Wafdi ballaaran oo uu horkacayo madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max’uud Sayid Aadan islamarkaana ay qeyb ka yihiin Wasiirka Amniga Jubaland Mudane C/rashiid Xasan Nuur, Wasiirka xanaanada Xoolaha Mudane Max’ed Nuur Buulle (Dhaay), wasiiru dowlaha amniga Mudane Max’ed Cabdi Kaliil, Wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha Mudane C/raxmaan Max’ed Xuseen, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale ayaa maalmihii u danbeeyay ku sugnaa gobolka Gedo.

Ujeedada safarka masuuliyiintani ayaa ah in bulshada ku dhaqan gobolkaasi ay la tashiyo kala sameeyaan arimaha maamul wanaagga iyo sidoo kale in nidaamka dowliga ah lagu baahiyo guud ahaan gobolkaasi.

Wafdiga ayaa kulamadooda ku bilaabay degmada Doolow, halkaasoo ay kula shireen madaxda maamulka degmadaasi, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayagoo kala tashanayay arimo ku saabsan baahinta maamulka.

Masuuliyiintan ayaa sidoo kale gaaray degmada Luuq, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay, waxayna kulamo kula qaateen saraakiisha ciidamada, masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland oo la hadlayay qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka degmada Luuq ayaa sheegay in muhiimadda safarkoodu yahay in ay wanaajiyaan wadashaqeynta bulshada iyo dowlad goboleedka Jubaland islamarkaana ay shacabka ka dhageystaan waxyaalaha ay tabanayaan, islamarkaana lagala tashto isbadalka dhanka maamulka ee la sameeynayo.

Masuuliyiintan ayaa la filayaa in sidoo kale ay gaaraan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi, ayagoo sidan oo kale kulamo la qaadan doono masuuliyiinta maamlka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweeyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max’uud Syid Aadan iyo wafdiga ballaaran ee uu horkacayo ayaa qorsheeynayaa in ay dib u habeyn ku sameeyaan maamulka gobolka Gedo iyo kan degmooyinka.