AF-SOOMAALI

Madaweynaha Somalia oo ka Qayb-galay Janaasada Ciidamadii ku Dhintay Qaraxii Muqdisho


Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb-galay Salaaddii Janaasada ciidan ka tirsan kuwa qalabka sida ee Somalia oo shalay ku dhintay Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.
Xasan Sheekh ayaa ALLE uga baryey askartan inuu Janadii Fardowsa ka Waraabiyo, sidoo kalena wuxuu u duceeyay dhammaan dadkii ku Geeriyooday Qaraxii shalay; isagoo kuwa dhaawacmayna caafimaad deg-deg ah uga baryay ALLE.
“Waxaan u Tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed, Gaar ahaan ehelladdii Qarabadii ay ka baxeen dadkii isugu jiray shacabka iyo ciidamada ee ku dhintay qaraxii cadawgu ka geystay Muqdisho , Alle ha u naxariisto inta dhimatay, kuwa dhaawaca ahna Alle ha caafiyo,” ayuu yiri Madaweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Cadowga ummadda dhibaatooyinka ku haya ee sida naxariis-daradda ah kula dhaqmaya, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa idin ka guuleysan doonaa.
Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in Dowladda Somalia ay daryeeleyso Qoysaska ay ka tageen Ciidamadii Qaraxii shalay ku Geeriyooday; iyagoo Difaacaya Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda, isla markaana ay bixinayso deymaha lagu leeyahay.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaan sheegin tirada ciidamadii lagu dilay Qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay ee maanta la aasay, waxaana Qaraxan sheegatay mas’uuliyaddiisa Al-shabaab oo dagaal kula jirta DF Somalia iyo Ciidamada AMISOM.