GLOBAL NEWS

Maa­mulka Xi­man iyo Xeeb oo si cad uga soo hor-jeestay Go’aankii Madaxwey­naha Soomaaliya


Maa­mulka Xi­man iyo Xeeb ayaa ka­soo hor-jeestay go’aanka madaxwey­naha So­mali uu ku dhawaaqay ee ahaa in caasi­mada maa­mulka gob­ol­lada dhexe ay no­qoto dhu­uso-ma­reeb, iyadoo maa­mulku shee­gay inuu war cad ka­soo saari doono ar­rin­taas.

Xubno ka­soo jeeda Xi­man iyo Xeeb ayaa shee­gay in mMadaxweynuhu aanu xaq u la­hayn inuu ku dhawaaqo halka ay no­qon­ayso caasi­madda maa­mulka ay sameysanayaan, balse ay go’aan ka gaari ka gaari karaan ar­rin­tas dadka sameysanay maa­mulka.

“Wax­aanu u arag­naa go’aanka madaxwey­naha mid aan loo baah­nayn in madaxweynuhu ku dhawaaqo, das­tu­urka dalka waxaa ku qo­ran in um­mad walba ay iyadu iska leeda­hay inay ka tashato halka ay caasi­mad­doodu no­qon doonto, xaqna uma laha madaxwey­naha inuu ma­g­a­caabo caasi­mada gob­ol­lada dhexe,” ayuu yiri Caabi Yu­usuf Max­a­m­uud oo mas’u­uliyi­inta Xi­man iyo Xeeb ka tir­san

Sidoo kale, afhay­eenka maam­lka ayaa shee­gay in wixii dadka gob­ol­lada Mudug iyo Gal-gaduud ka ha­laaba uu mas’uul ka ya­hay madaxweyne Xasan Sheekh Max­a­m­uud.

“Ar­rin­taan war cad ayaan ka­soo saari doon­naa, wixii ka ha­laaba sha­cabka gob­ol­lada maa­mulka sameysanayna waxaa ka mas’uul ah madaxwey­naha So­ma­lia,” ayuu yiri Careys oo ah afhay­eenka Xi­man iyo Xeeb.

Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii uu madaxweyne Xasan sha­lay kaga dhawaaqay Dhu­uso-ma­reeb in Cadaado uu ka furmi doono shirka lagu dhisi doono maa­mulka gob­ol­lada dhexe 11-ka bis­han, caasi­mad­duna maa­mulka ay no­qon­ayso Dhu­uso-ma­reeb.