AF-SOOMAALI

Maa­mulka Cis­bitaalka Madi­ina oo ka war­bixiyay dhaawa­cyo goor dhow la gaar­si­iyay


Agaasimaha Cis­bitaalka Madi­ina ee Ma­g­a­al­ada Muqdisho Dr. Max­amed Yu­usuf oo goor dhow war­baahinta la had­layay ayaa waxa uu ka war­ra­may xaal­adda dhaawa­cyadii la­soo gaar­si­iyay ee kamid ka ahaa dad­kii ku waxy­eel­loobay qaraxii ka dha­cay dee­gaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Dhaq­tarka ayaa waxa uu tilmaa­may in dhaawa­cyada la­soo gaar­si­iyay qaar kamid ah ay ku ji­raan xaalad miir door­soon ah , halka kuwa kalana ay xaal­ad­doodu caadi tahay.

Badi dadka la­soo gaar­si­iyay ayaa waxa uu shee­gay in ay qabaan dhaawa­cyo madaxa ah. Waxa in­taa uu ku daray in dhowr qof oo meyd ahna la­soo geeyay Cis­bitaalka Madi­ina.

“Maanta qarax ayaa dha­cay kaas oo sababay in Cis­bitaalka la keenay 13 ruux, 7 kamid ah dad­kaasi waa dhaawac halka 6 kalana ay meyd ahaay­een, dadka dhaawaca ah badi waxay ahaay­een kuwa qaba dhaawa­cyo madaxa ah , saal­ada Ayaan ugu tag­nay waana daawey­nay, laba kamid ahna waxay ku ji­raan Koommo” ayuu War­baahinta u shee­gay Dr. Max­amed Yu­usuf

Qaraxa maanta ka dha­cay dee­gaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa lala eeg­tay dad rayid ah oo saar­naa gaari Homey ah, il­laa iyo had­dana ma ji­raan cid shee­gatay qarax­aas in ay ka dem­beysay